26th July 2024  admin  Category :

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Xujaddi aan sharciga ahayn ee lagu xiray ee KuraastII Sool iyo Sanaag

Beesha Caalamka ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay walaaca ay ka qabto go’aan ay gaareen hogaamiyaasha Madasha Qaran ayna ku soo saareen war murtiyee ku taariiqeysnaa 24 December, 2016.

War ka soo baxay beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden iyo United Kingdom ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin munaasabada dhaarinta baarlamaanka, hase yeeshee ay rajeynayaan in Aqalka Sare uu ahaado sidii hore loogu oggolaaday ee ahaa tirada 54ta kursi. Beesha Caalamka ayaa ku talisay in kordhinta kuraasta Aqalka Sare ay tahay mid ku habboon kadib markii la qabto doorashada Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay war murtiyeed ay soo saareen Madasha Qaranka kaasoo lagu sheegay in shan kursi oo ka mid ah kuraastii khilaafku ka taagnaa ee Aqalka Hoose doorasho cusub la geliyo balse beesha caalamka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay in kuraas ay leeyihiin haween ay rag ku fariisteen.

Beesha caalamka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay go’aankii ay guddiga doorashooyinka ka gaareen kuraas uu khilaaf ka taagnaa kaasoo ay ansixiyeen taasoo ah mid ka soo horjeeda sharciga dowlada Federalka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa waxa ay ka codsatay baarlamaanka federalka inuu soo saaro jadwal dhaqso ah kaasoo tilmaamaya xilliga doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha dowlada Federalka taasoo ay ku talo bixiyeen in la qabto kahor 19ka Janaayo 2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*