28th March 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo la dhaariyay , ayaa doortay Gudoomiyayaal KMG ah

Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo la dhaariyay , ayaa doortay Gudoomiyayaasha ku meelgaar ka ah ee labada Aqal sii maamuli doona inta laga dooranayo maalmaha soo socda gudoomiyayaasha rasmiga ah ee labad Aqal.

Xildhibaan Cismaan cilmi Boqore oo ah xildhibaanka ugu da’weyn Golaha Shacabka ama Aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa noqday gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Aqalka hoose inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka .

Image may contain: one or more people

Maxamed Ibaarhim Raage oo ah xildhibaanka ugu da’weyn Aqalka sare ee dalka ayaa isna noqday gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Aqalka sare , inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah.

Ikraan Aaden Absuge waa xildhibaanada ugu da’ada yar golaha shacabka , halka Fartuun Cabdiqaadir Faarax ay iyana tahay xildhibaanada ugu da’yar Aqalka sare , labaduba waxay si ku meel gaar ah ula sii shaqeynayaan gudoomiyayaasha ku meel gaarka ah ee labada Aqal.

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta macasalaameeyay Baarlamaanka , waxaa uu codsaday in la iska cafiyo hadii khaladaad ka dhaceen intii uu xilka soo hayey, jawaari waxaa uu ku dardaarmay in Aqalka Hoose – kelmada ah aysan sax aheyn , ee dalku leeyahay labo aqal oo kala ah (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) sida buu yiri dastuurka inoo ku taal.

Jawaari waxaa uu u mahadceliyay , dhamaan xildhibaanadii iyo shaqaalihii lasoo shaqeeyay , waxaa uu muujiyay taariikh cusub in ay maanta tahay 47sano kadib buu yiri in Baarlamaan fadhiya uu Baarlamaankale shaqada kala wareegayo .

Sida aytahay in jadawalka doorashadu u socdo, waxay guddiyada ku meel gaarka ah soo dhisi doonaan guddi doorasho oo diyaariya doorashada Gudoonka rasmiga ah ee labada Aqal.

Waa Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya Yeelato , iyagoo sanadkan ku yimi qaab ka duwan sidii hore oo ah , in xildhibaan kasta ay soo doorteen 51ergo .

Xigasho Jaamac Debarani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*