29th March 2024  admin  Category :

Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in la qabto doorashada muddada sanadka ka badan dib u dhacday ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay soo saareen qoraal kooban oo ay uga hadlayaan doorashada. Xubnaha beesha caalamka ayaa ku boorriyay xildhibaannada labada aqal in ay “waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.”

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayay beesha caalamku ku tiri qoraalka ay fiidnimada caawa soo saartay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa ilaa subaxnimada Isniinta ah ka jiri doona bandaw ay booliiska Soomaaliya ku dhawaaqeen in uu ka hergalayo caasimadda. Booliiska ayaa sabab uga dhigay bandaw walaac dhanka amniga ah iyagoo mamnuucay dhammaan dhaqdhaqaaqyada dadweynaha marka laga reebo kuwa daruuriga ah ilaa xilliga ay doorashadu ka dhamaaneyso.

In ka badan 30 musharrax ayaa ku tartamaya codeynta berri ka dhaceysa teendhada Afisyooni, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday horraantii sanadkii hore, labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyey iyo siyaasiyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*