13th August 2022  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Duleedka Waqooyi ee Gaalkacyo waxaa Qado sharaf ugu Sameeyey Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise waxaana ka qaybgalay Imiso Waxgarad iyo Masuuliyiin kale .

adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa u sameeyay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise .

Xafladda oo ka dhacday beerta Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ku taalla banaanka magaaladda Gaalkacyo, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ahna Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Madaxweynaha oo ka mahadceliyey munaasabadda qado sharafta ah, ayaa hoggaanka dhaqanka Iyo Masuuliyiinta kulanka ka qeybgalay kula dardaarmay illaalinta midnimada, nabadgelyada iyo horumarka Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*