29th March 2024  admin  Category :

Beelaha Ka Soo jeedaan Gudoonka Aqalka Sare ee Maanta La Doortay

Guoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu kasoo jeedaa Isaaq /Habar-awal/Sacad-Muuse

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi.

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare: Abshir Maxamed Axmed Bukhaari

Gudoomiye ku xegaanka 1aad ee aqalka sare Abshir Moaxamed Bukhaari wuxuu kasoo jeedaa Galmudug/Habar-Gidir/Saleebaan/ . Waa Xubin firfircoon oo ka mid ah ururka Hawiye Action Group

Mowliid xuseen guhaad Oo Noqday Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ayaa kasoo jeeda Jubbaland/Daarood/Mareexaan/Reer Osmaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*