26th July 2024  admin  Category :

BBC oo ogaatay in Iimaaraadka uu dhaqaale ku bixiyey dilal siyaasadeed

maaraadka Carabta ayaa maalgeliyay dilal siyaasadeysan oo ka dhacay Yemen, baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa sidaa lagu ogaaday, taasoo oo sii xumeyneysa colaadda ay ku lug leeyihiin dowladda Yemen iyo kooxaha ka dagaalamaya Yemen oo dhawaanahan soo jiidatay indhaha caalamka ee badda cas.

Tababarro ka dhan ah argagixisada oo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay siiyeen saraakiisha Imaaraadka ee Yemen ayaa loo adeegsaday in lagu tababaro dadka gudaha ah oo ku shaqeynaya qaab hoose, taasoo dhalisay sare u kac weyn oo xagga dilalka qorsheysan ah, sida ay BBC-da Carabi u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka ay sheegeen in ujeeddada ay tahay mid lagu ciribtirayo kooxaha jihaad doonka ah ee Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah (IS) ee koonfurta Yemen, haddana Imaaraadku wuxuu sii waday in ay xubno hore oo Al-Qaacida ka tirsan uu u qoro ciidamada amaanka ee Yamen si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa beenisay eedeymaha baaritaanka BBC-da ee ah in ay dishay dad aan xiriir la lahayn argagixisanimada iyadoo sheegtay in ay yihiin “been iyo xaq-darro”.

Dilalka ka socda Yemen ayaa ah kuwo baahsan, in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay muddo saddex sano ah, hal nooc oo ah iska horimaadyada kulul ee joogtada ah ee u dhexeeya quwadaha caalamiga ah ah iyo dalka ugu faqiirsan bariga dhaxe.

Dilalka ayaa caqabad ku noqday soo noqoshada dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, tani waxay si aan toos ahayn u caawisay inay dad badan u diriraan Xuutiyiinta ay Iran taageerto kuwaas oo hadda weerarro ku qaadaya maraakiibta iyo carqaladaynta ganacsiga badda cas. Washington ayaa ku dhawaaqday maalmihii la soo dhaafay in ay kooxda u aqoonsan doonto “argagixiso caalami ah”.

Waxaan ka warramayay colaadda ka taagan dalka aan ku dhashay ee Yemen tan iyo markii ay bilowdeen sannadkii 2014-kii, dagaalladaas ayaa horseeday in dowladdu ay lumiso awoodda waqooyiga oo ay gacanta ku dhigaan Xuutiyiinta kuwaas oo sannado badan noqday kuwo xoogaysanaya oo si wanaagsan u qalabaysan.

Isaac Gilmore wuxuu Imaaraadka ka helay lacag  si uu u fuliyo dilal qorsheysan
Qoraalka sawirka,Isaac Gilmore wuxuu Imaaraadka ka helay lacag si uu u fuliyo dilal qorsheysan

Sanadkii 2015, Mareykanka iyo UK waxay taageereen isbaheysiga inta badan dalalka Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga, iyadoo Imaaraadka uu yahay saaxiib muhiim u ahaa dagaalka Yamen ah.

Isbaheysigan ayaa duulaan ku qaaday dalka Yemen, ujeedaduna waxaa ay aheyd in dib loo soo celiyo dowladda Yemen ee dibad joogga ahayd, iyo la dagaalanka argagixisada.

Imaaraatka waxaa loo dhiibay mas’uuliyadda amniga koofurta, wuxuuna noqday xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada gobolka, Al-Qaacida waxay muddo dheer joogi jirtay koonfurta oo hadda ah mid Colaadda Yemen ay ku baahayso.

Sannadkii 2014-kii, falaagada loo yaqaan Xuutiyiinta oo ah Shiicada Yemen ee laga tirada badan yahay ayaa qabsaday caasimadda Sanca.

Madaxweyne Cabdul rabah Mansuur Haadi ayaa caasimad ku meel gaar ah ka dhigtay koonfurta magaalada Cadan ka dib markii uu ka baxsaday xabsi guri Sanca ku yaal bishii February 2015.

Sacuudi Carabiya iyo siddeed dal oo kale oo Carab Sunni u badan ayaa bilaabay olole cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, kuwaas oo ay ku andacoonaya in ay kooxada soo hubaysay dowladda Iran ee gobolka ay isku hayaan.

Xulafada Sucuudigu hogaaminayo ayaa taageero dhanka saadka ka helay Maraykanka, UK iyo Faransiiska.

Wiil ay dhashay qareenka xuquuqda aadanaha ee Yemen Huda al-Sarari ayaa si xun loo toogtay sanadkii 2019-kii
Qoraalka sawirka,Wiil ay dhashay qareenka xuquuqda aadanaha ee Yemen Huda al-Sarari ayaa si xun loo toogtay sanadkii 2019-kii

Waxaa jiray isku dhacyo dhex maray kooxo loo arkayey inay isku dhinac ahaayeen, bishii Agoosto 2019 dagaal ayaa ka qarxay koonfurta dalkaasi kaas oo u dhexeeya ciidamada dawladda uu Sucuudigu taageero iyo dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka koonfurta ee isbahaysiga ah, golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta (STC), kaas oo ku eedeeyay madaxweyne Haadi maamul xumo iyo in uu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Maleeshiyada Al-Qaacidada Jaziirada Carabta (AQAP) iyo kuwa maxaliga ah ee taabacsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa ka faa’iidaystay fowdada, iyagoo qabsaday dhul ku yaalla koonfurta, waxayna ka fuliyeen weerarro lagu hoobtay, gaar ahaan magaalada Cadan.

Xuutiyiintu waxay sidoo kale ballaariyeen saameyntooda goobaha ay gacanta ku hayaan, bishii Nofembar 2023 waxay bilaabeen weeraro ay ku qaadaan marinnada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

Laakiin halkii ay tani ka abuuri lahayd xasillooni weyn, intii aan ku guda jiray socdaalada warbixinta iyo safarkii ayaan arkay mowjado dil ah oo qarsoodi ah, oo ka dhacay degaannada koonfureed ee ay dawladda Yemen ka taliso, kuwaas oo loo geystay muwaadiniin Yemeni ah oo aan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, dil kasta oo loo geysto dadka rayidka ah iyadoon loo marin habraac cadaaladeed waxaa loo tixgalinayaa mid ka baxsan sharciga.

Inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen xubno ka tirsan ururka Islaax garabka Yemen ee Ikhwaanul Muslimiin, Waa dhaqdhaqaaq caan ah oo Islaami ah oo Sunni ah oo caalami ah, kaas oo aan waligiis Maraykanku ku tilmaamin urur argagixiso, laakiin waxaa laga mamnuucay dhowr waddan oo Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta halkaas oo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo taageerada doorashooyinka ay u arkaan qoyska boqortooyada ee dalkaas khatar ku wahan xukunkoooda.

Muuqaalo sir ah oo la soo bandhigay oo ku saabsan howlgalkii ugu horeeyay ee ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa i siiyay bar bilow aan ku baarayo dilalkan dahsoon.

Waxay ku taariikhaysan tahay Disembar 2015, waxaana la raadraacay xubno ka tirsan shirkad ammaan oo Maraykan ah oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Spear Operations Group.

Waxaan ugu dambeyntii la kulmay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay howlgalka lagu soo bandhigay muuqaalka maqaayad ku taal London 2020. Isaac Gilmore, oo hore u ahaan jiray Ciidamada badda ee Mareykanka oo markii dambe noqday madaxa howlgalka Spear, ayaa ka mid ahaa dhowr qof oo Mareykan ah oo sheegay in loo shaqaaleysiiyay in ay Yemen ka fuliyaan dilal qorsheysan oo ay geysanayaan Imaaraadku.

Ansaf Mayo, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Yemen.
Qoraalka sawirka,Ansaf Mayo, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Yemen.

Wuxuu diiday inuu ka hadlo qof kasta oo ku jira “liiska dilka” ee ay Imaaraadku siisay Spear marka laga reebo bartilmaameedkoodii ugu horreeyay, Ansaf Mayo, oo ah xildhibaan Yemeni ah oo ah hoggaamiyaha ururka Islaax ee magaalada dekedda ah ee Cadan, caasimadda ku meel gaarka ahna u ah dawladda ilaa 2015.

Waxaan Gilmore waydiiyay xaqiiqada ah in masuuliyiinta Maraykanku aanay weligood Al-Islaax u aqoonsan urur argagixiso.”

“Colaadaha casriga ah, nasiib darro, waa kuwo mugdi badan,” ayuu yiri “Waxaan u aragnaa Yemen qofkii ah hoggaamiye rayid ah iyo wadaad in ay yihiin hoggaamiyaha argagixisada”.

Gilmore iyo shaqaale kale oo Spear ka tirsan oo Yemen ku sugnaa xilligaas, laguna magacaabo Dale Comstock ayaa ii sheegay in howlgalkii ay qaadeen uu dhammaaday 2016, balse dilalka qorsheysan ee koonfurta Yemen ayaa sii socday, dhab ahaantii dambiyada noocan oo kale ah ayaa soo badanaya, sida ay sheegeen baarayaal ka socda kooxda xuquuqda aadanaha ee Reprieve.

Waxay baaritaan ku sameeyeen 160 dil oo Yemen ka dhacay intii u dhaxeysay 2015 iyo 2018, Waxay sheegeen in badi ay dhaceen 2016-kii, kaliya 23 ka mid ah 160 qof ee la dilay ay xiriir la lahaayeen argagixisada.

Waxa loo adeegsaday isla xeeladdii uu Spear ku adeegsaday qarxinta walxaha qarxa si ay dadka uga jeediyaan, kadibna ay xigtay toogasho toos ah.

Dilkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Yemen, sida ay sheegtay qareenka xuquuqda aadanaha ee Yemen Huda al-Sarari, wuxuu dhacay bishii hore waxaan uu ahaa imaam lagu dilay Lahj isla habkan.

Gilmore, Comstock iyo laba kale oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan Spear group oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay inay ku lug lahaayeen tababarida saraakiisha Imaaraatka ee saldhiga milatari ee Imaaraadku ku leeyahay magaalada Cadan.

Wariye codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sidoo kale noo sheegay in uu arkay muuqaalo muujinaya tababar noocaan oo kale ah.

Calooshood u shaqeystayaasha ayaan tafaasiil ka bixin waxa arrintan ku saabsan, balse waxaa faah faahin dheeraad ah iga siiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Yemen oo kasoo jeeda magaalada Cadan oo isagu si toos ah ula shaqeeyay Imaaraadka.

Sida uu qabo sarkaalkaa, calooshood u shaqaystayaasha ayaa ah kuwo aan qarsoomi Karin oo Cadan laga soo dhex qaban karo taas waan la dajiyay qorshe ah inay tababaraan saraakiisha Imaaraatka, “kuwaas oo iyaguna Yemeniyiin u tababaray inay beegsadaan,” ayuu ii sheegay sarkaalka milateriga Yemen.

Intii uu baaritaanka socday, waxaan sidoo kale la hadalnay in ka badan 12 ilo kale oo Yemeni ah oo sheegay in arrintani ay dhacday, Waxaa ka mid ahaa labo nin oo sheegay in ay fuliyeen dilal qorsheysan oo aan la xiriirin argagixisanimo, ka dib markii ay tababareen askarta Imaaraatka iyo hal nin oo sheegay in loo soo bandhigay in laga sii daayo xabsiga Imaaraadka hadii uu dilo sarkaal sare iyo Shaqsi siyaasadeed oo Yemeni ah, waana uu diiday in uu aqbalo.

In Yemaniyiinta ay fuliyaan dilalka waxay la macno tahay in ay aad u adkeyd in dilkaas dib loogu soo celiyo Imaaraadka.

Sannadkii 2017-kii, Imaaraadku waxa uu gacan ka geystay dhisidda ciidan ka tirsan milatariga, oo qayb ka ah Golaha Ku-meel-gaadhka Koonfureed ee Imaaraadku uu maalgeliyo, oo ah urur ammaan oo maamula shabakado hubaysan oo ku yaalla koonfurta Yemen.

Ciidamadan ayaa ka howlgala koonfurta Yemen iyagoo ka madax banaan dowladda Yemen, waxaana kaliya ay ka amar qaadan doonaan Imaaraadka. Dagaalyahannada looma tababarin oo keliya inay ka dagaalamaan jiidaha hore, hal cutub oo gaar ah, oo ah qaybta la-dagaalanka argagixisada, ayaa loo tababaray fulinta dilalka qorsheysan, ayey noo sheegeen ilahaygu.

Ilaha sirta ah ayaa soo diray dukumeenti ay ku qoran yihiin 11 magac oo xubno hore uga tirsanaan jiray Al-Qaacida oo hadda u shaqeeya golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta, kuwaas oo qaar ka mid ah noo suurtagashay in aan xaqiijino.

Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan sidoo kale la kulannay magaca Nasser al-Shiba oo mar ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida, waxa uu u xirnaa arrimo argagixiso balse markii dambe ayaa la sii daayay.

Wasiir ka tirsan dowladda Yemen oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Al-Shiba uu caan ku ahaa weerarkii lagu qaaday markabka dagaalka Mareykanka ee USS Cole, kaasoo lagu dilay 17 badmaaxayaal Mareykan ah bishii Oktoobar 2000.

Ilo kala duwan ayaa noo sheegay inuu hadda yahay taliyaha mid ka mid ah STC cutubyo ciidan.

Qareenka Huda al-Sarari ayaa baaritaan ku wada xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay geysteen ciidamadan uu Imaaraadku taageero ee ku sugan koonfurta, waxaana si joogto ah loogu hayaa hanjabaad dil ah, ayada oo ugu danbeeyna wiilkeeda Mohsen oo 18 jir ah la dilay.

Waxaa xabadka laga toogtay bishii Maarso 2019 isagoo u safrayay kaalin shidaal oo deegaanka ah, wuxuuna dhintay bil ka dib.

Markii Huda ay shaqada ku soo noqotay dhimashadiisa ka dib, waxay sheegtay inay heshay fariimo uga digaysa inay joojiso. “Miyaan hal wiil ku filnayn, ma waxaad doonaysaa inaan kan kale dilno?” ayay igu dhaheen ayay tiri.

Baadhitaan uu sameeyay dacwad oogaha guud ee Cadan ayaa lagu ogaaday in Mohsen uu dilay xubin ka tirsan ciidamada Imaaraadku taageerto ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada, balse maamulku waligiis wax dacwad ah kuma soo oogin.

Xubno ka tirsan xafiiska dacwad oogaha oo aanan magacyadooda la shaacin karin sababo ammaan dartood ayaa noo sheegay in dilalka qorsheysan ee baahsan ay abuureen jawi cabsi leh taasoo ka dhigan in xitaa ay aad uga baqayaan in ay cadaaladda ku raadiyaan kiisaska ay ku lug leeyihiin ciidamada ay taageerto Imaaraadka.

Kooxda xaquuda aadanaha ee Reprieve waxa ay heshay dukumeenti sir oo muujinaya in Imaaraadka Carabta uu wali musraah siiyo Spear group ilaa sanadka 2020, in kasta oo aysan caddayn heerka uu gaarsiisan yahay.

Waxaan waydiinay aasaasaha Spear, Abraham Golan, bal in calooshood u shaqeystayaasha ay Imaaraadka u tababareen farsamooyinka dilka, laakiin kama uusan jawaabin.

Eedeymahaas waxaan u gudbinay dowladda Imaaraadka.

Waxa ay sheegtay in aysan waxba ka jirin in la beegsaday shaqsiyaad aan wax xiriir ah la laheyn Argagaxisada, waxa ay sheegtay in ay taageerto howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda dalka Yemen oo ay ku casumeen dowladda Yemen iyo xulafadeeda caalamiga ah”.

“Imaaraadku wuxuu u dhaqmay si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqmi karo inta lagu jiro hawlgalladan,” ayay tiri dowladda imaaradka Carabta.

Waxaan ka codsanay Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay nagala hadlaan Howlgallada kooxda Spear, balse way naga diideen.

Waxayna hay’adda sirdoonka ee dawladda Maraykanku bayaan ay soo saartay ku tiri “Fikirka ah in CIA-du saxiixday hawlgalkan oo kale waa been”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*