27th April 2024  admin  Category :

War-saxaafadeed Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta Canada

Press Release

Date: Feb 16/2020

Ujeedo: Bayaan War-saxafadeed ee Taageero, Canbaarayn iyo Talo-Soojeedin

Taageero:

Jaaliyada Puntland Edmonton waxay si cad oo cod buuxa leh u taageeraysaa Shirweynaha Wada Tashigga oo Dawlada Puntland ugu yeertay dhammaan dadka Puntland March 15/2020 si mowqif midaysan looga qaato Dawlada Federaalka Somaaliya.

Jaaliyada Puntland Edmonton waxay si buuxada u ayidaysaa qorshaha ka loogu baaqay in ay ka soo qaybgalaan shirkan dhammaan Xubnaha Baarlamaanka Federaalka somaaliya ku matal Puntland iyo Siyaasiyeenta iyo aqoonyahanka reer Puntland.

Jaaliyada Puntland Edmonton waxay in badan naawileesay in uu qabsoomo Shirweyne wada tashi ee reer Puntland madaama Madaxda Dawlada Federaalka ah ee hada joogta iyo kuwii ka horeyey ay markasta hortaagay yahiin hirgelinta hanaanka dawladnimo ee Federaaliga ah ee Somaaliya Qaadatay.

Sida muuqata Dawlada Federaalka Somaaliya waxay ku fashilantay :

1. Dhamaystirka Dastuurka dalka, oo waxkasta marjac u ah socodsiinta dawladnimada iyo madax-banaanida dalka somaaliya.

2. Sugida Amnigga dalka

3. Dib u heshiisiin shacabka somaaliyeed lagana dhexsaaro kuwa somali-diidka ah.

4. Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah ee degaan doorasho ku salaysan Dastuurka dalka.

5. Qaybsiga khayraadka iyo deeqaha ku yimaada magaca dawladnimada qaranka somaaliyeed.

6. Maqnaanshaha ku dhaqanka siyaasad waadix ah iyo ku dhaqan sharci oo abuuri karta aaminaad iyo kalsoonida shacabka dalka somaaliya.

Canbaarayn:

Jaaliyada Puntland waxay canbaaraynaysaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada DFS oo si cad u horistaagay , xariyiraadna saaray shahaadooyinka ardayda reer Puntland. in sidaa wasiirkan u dhaqmo waa siyaasada ay raali uga yahiin madaxda sare DFS . Arrintaas waa fal waxashnimo ah oo lagu dhibaataynaayo shacbka reer Puntland.

Jaaliyadan Puntland ayadoo ka tarjumaysa dareenkeeda wadanimo ee Masiirka iyo Midnimada dalka Somaaliya, waxay si cod dheer leh ku canbaaraynaysaa hadalkii khaldana ee gefka ku ah dalka somaaliya , ee uu Madaweyne M C Farmaajo ku raaligeliyey SNM- Somaaliland, oo ah koox somali-diid iyo nabad-diid ah, una taagan colaada dagaalka sokeeye iyo burburinta kala qaybinta dalka somaaliya.

Jaaliyadan waxay Madaxweyne M C Farmaajo u sheegaysaa:

1. in SNM-Somaaliland si joogto ah dagaal sokeeye oo qabiil ku dhisan uga wado Gobolada Sanaag iyo Sool min 1988 ilaa 2020 ,waxayna ka deysteen gabood-fal balaaran oo dil, iyo xasuuq aan loo meel-deyen,go’doomin mMagaalooyin iyo barakac baaxad leh ee Shacabka Sool iyo Sanaag.

2. SNM-Somaaliland waxay xoog ku haysataa Gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag,waxayna barakiciyeen in ka badan 10 kun oo reer, una dhiganta 150, 000 oo qof, waxay dhaceen xoolo ka badan 5,000 oo Geel ah, waxay gubeen ceel-matooradii Magaalooyin badan ee Sool iyo Sanaag.

3. Madaxweyne Farmaajo xagee ku ilaaway xasuuqii Gobolka Mudug ee socday min 1978 ilaa 1984, oo si khaas ah loogu beegsan jiray qabiilka Majeerteen oo ay fulin jireen saraakiisha safka hore( Front Line officers) oo dhammaantood ahaa kuwa hada SNM-Somaliland Hogaanka u ah, Waxaa ka mid ah Col. Dhegaweyne, Col. Maxed Cabdi ,Col. Maxed Kaahin oo joogay Q.26 Waaxda Hawlgelinta oo galkacayo u iman jiray fulinta dagaalka lagula jiro shacabka lagu tuhmaayo in ay raacsanyahiin SSDF.

Muuse Biixi markaas waxuu joogay Hogaanka Xiriirka dibedda ee W.Gaashaandhiga Somaaliya, waana shakhsiyaadkii u dhowaa Cali Samatar iyo Cumar Xaaji, si la isugu xiro Dawlada Kacaanka iyo Isaaq loogana Hortago SSDF.

Dhibaatooyinka ka dhacay Mudug wwa mid baaxad balaaran leh oo isugu jirata weeraro ciidan oo dad shacab ah lagu laayey, xarig, barakicin iyo burburin berkedo iyo magaalooyin.

Marka xaaladu sidaa tahay Madaxweyne Farmaajo:

1. Waa denbi qaran in la cafiyo ama la raaligeliyo koox argagixiso ah, oo qabyaalad isku bahaystay, una taagan burburinta iyo kala qaybinta Dalka Somaaliya.

2. Kooxdan SNM-Somaaliland ma aqoonsana in aad tahay Madaxweynaha dalka Somaaliya, marka suaasha ku hortaala waxay tahat side u raalingelinaysaa dad aan ku aqoonsanayn jirtaanka Dawlada Somaaliya. “Waa Cajiib, Waa Cajiib.”

3. Mdaxweyne Farmaajo, maxaad ku qancinaysaa Shacabka Sool iyo Sanag oo habeen iyo maalin weeraarka ku hayso SNM-Somaaliland ilaa 1988 ???

4. Madaxweyne Farmaajo waaxa ku dhawaaqday arrin siyaasiyan khaldan oo ah Waqooyi iyo Konfur oo loo tarjumaayo ( Isaaq iyo Hawiye) suaasho ku hortaalaa yaa reer Waqooyi ah ,yaase reer Konfureed ah ??

5. Madaxweyne Farmaajo waa arrin khaldan oo jahawareer siyaasadeed dhalisay in 40 sano wax dhacay iyo hawlahii Dawladii Kacaanka in gadaal loogu noqdo, hadiise aad sida aaminsantahay, ugu horeyn waa in aad raaligelisaa Reer Mudug siiba ( Majeerteen) 1969 – 1990.

Qaanuuniyan Madaxweyne M C Farmaajo waa Madaxweyne ku- meel- gaar ah , ilaa dalku yeesho dastuur sharci ah oo cod afti doorsho loo qaado oo shacabka dalka isku-raacaan raaco.

Madaxweyne M C Farmaajo qaanuuniyan iyo siyaasiyan xaq umalaha in uu bixiyo raaligelin arrin ku saabsan masiirka aaya-ka-talinta qaranimada somaaliya , ilaa dalku yeesho dastuur dhamaystiran .

Talo-Soojeedin:

Jaaliyadan Puntland Edmonton waxay ku talinaysaa:

1. Reer Puntland aamina Dhulkeena , ka dawlad xukuumada ahaa , Baarlamaan ahaan iyo dhammaan qaybaha kala duwan Siyaasiyeen, Aqoonyahan, Ganacsato ee reer Puntland

2. Dawlada Puntland waa in ay sugtaa Midnimada dhuleed ee 5 Gobol iyo Degmada Buuhoodle.

3. Dawlada Puntland waa in ay difaac ahaan iyo Siyaasiyan Hawlgelisaa Shacabka Puntland si loo soo celiyo Laascaanood .

4. Puntland waa in ay degaamadeeda ka xaarantinimaysaa hanaanka 4.5

5. Puntland waa in ay ku xirtaa wada shaqayn DFS dhamaystirka dastuurka dalka.

6. isku-xiraanta dawlada Puntland iyo Jaaliyadaha dibeda

7. Jaaliyadaha dibeda waxaa laga doonaya in ay yeeshan gudiyo wada shaqeeya

sida gudigga Alberta, Ontario, Minneapolis, Columbus Ohio,

8. Siyaasiyeenta iyo aqoonyahanka Puntland waa in ay ka shaqeeyaan arrimaha turxaabixinta khilaafyada iyo horumarinta Puntland.

9. Dawlada Puntland waa in ay hirgelisaa Nidaamka axsaabta badan ilaa 3

Codka Jaaliyada Puntland Edmonton Alberta

Waa bilaahi Towfiiq.

2 thoughts on “Bayaan War-saxafadeed ee Taageero, Canbaarayn

  1. Dalmar

    Raali galintii Farmaajo, maxaa loogu abaal guday, waxaa loogu abaal guday khudbadii Muuse Shaani bilaa xikmada ahayd. Farmaajo haduu khudbadaa ku quusan waayo, nin jira ma aha.

    Intii hore ee khudbadii Muuse shaani, wuxuu sharciyad ku meermeereysto, ugu danbeyntii afkiisa waxaa ka soo burqaday in la ciribtiray qabiilkiisa, sababtaana uga go’ayaan Soomaaliya. Isaaq garanaye, bal Sool iyo Sanaag Farmaaja hala weydiiyo meesha uu ku ogyhay dadkaa dulman oo Ciil qabahan Muuse Shaani xoog kula go’i rabo.

    Reply

Leave a Reply to Makhir Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*