26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Kulanka Labada Madaxweyne waxaa ka qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Wasiirada ee Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna kusoo dhammaaday guul.

Image may contain: people sitting, table and indoor
Image may contain: one or more people, people standing and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*