
2nd June 2023 admin Category :
Barlamaanka Puntland oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Dhummay.
Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta golaha shacabka Puntland ee Garoowe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.
Xildhibaanada ayaa ugu baaqay isimada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan joojinta colaaddaasi, waxaana ay tibaaxeen in Puntland ay doorkeeda ka qaadan doonto.