26th April 2024  admin  Category :

Bannaanbax looga soo horjeedo is-afgaradkii Itoobiya Somaliland oo ka dhacay Boorama

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Boorama ayaa u sheegay idaacadda VOA in halkaasi uu maanta ka dhacay bannaanbax markii hore loo soo abaabulay in lagu taageero is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee bishan kowdeedii ka dhacay Addis Ababa, balse markii dambe isku bedelay mid lagaga soo horjeedo is-afgaradkaasi, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Dadka banaanbaxayeya ayaa u badnaa dhalinyaro, waxayna socod ku mareen wadooyinka magaalada Boorama sida ka muuqatay muuqaallada laga soo duubay bannaanbaxaasi.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in bannaanbaxu uu ku dhammaaday si nabadgelyo ah.


Bannaabaxyo lagu taageerayo is-afgraadka Addis Ababa ayaa toddobaadkii hore ka dhacay meelo ay ka mid tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Is-fgaradkan ayaa Somaliland sheegtay inuu u horseedayo Somaliland inay aqoonsi ka hesho Itoobiya, halka Somaliland ay Itoobiya ka kiraynayso 20km oo dhul badeed ah muddo 50 sano ah.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkan, shalayna waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay sharci ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 2-dii bishan kaasi oo waxba kama jiraan ka dhigaya is-afgaradkaasi.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa labaduba difaacay is-afgaradka, waxaana mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in dawladda federaalka Somaliya aysan waxba ka qabin heshiisyada ay Somaliland la gasho dunida.

Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afgaradkan uu ku salaysan yahay aqoonsi. Waxa uu sheegay in Soomaliya ay cadaw ku ahayd horumarka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Itoobiya waxay sheegtay in heshiiskan uusan dawlad ama dhinac kale waxba u dhimaynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*