26th July 2024  admin  Category :

Dadweyne carreysan ayaa caawa isugu soo baxay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kadib markii qof shacab ah loo dilay inuu jebiyey bandowga saaran magaalada Muqdisho dartiis.

Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sidoo kale xabadihii uu riday ay ku geeriyootay qof kale oo ahayd haweeney uur leh, oo xabadda ay ugu gashay gurigeeda, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaanbax ay dadweyne carreysan taayaro ku gubaan inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha, oo u dhow halka uu dilka ka dhacay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*