27th July 2024  admin  Category :

Xubnaha Baarlamaanka Puntland ayaa waqtigooda waxa uu yahay mid gebegebo ah, waxaana la gaaray  waqtigii la soo xulli lahaa xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka cusub kuwaas oo beddeli doona xubnihii horey u joogay.

Hadaba, Xubnaha Baarlamaanka Puntland ee ka yimaada gobolka Sanaag, ayeey tahay inaan la soo cellin, ama aan dib loo soo xullin kadib markii ay ku guul dareesteen ineey la yimaadaan wax qabad la taaban karro. Xubnaha waqtiga uu ka dhamaaday waa kuwo aan ku xirneen deegaankii ay matalayeen, mana ahan kuwo xittaa ka hadla arrimahan taagan ee quseeya gobolka.

Waxaan la soconaa in gobolka Sanaag laga dhigay dhul lagu muransanyahay taasoo ay ka danbeeyeen maamulka Hargeeysa (SNM), waxaana wixii mashaariic ahaa la soo marsiiyaa Hargeeysa taas oo lagu dhiso Burco iyo Hargeeysa inta u dhaxeeysa. Dadka qaar ayaa u heeysta in Puntland ay wax soo maraan, balse wixiiba waxeey soo maraan Hargeeysa, arrintaas si loo soo af jarana, waxeey u baahantahay hawl aad u ballaaran.

In codkii shacabka u hadli lahaa, kana saari lahaa murankaa la gelliyey dhulkooda uusan meesha joogin, ayaa ah caqabad u baahan in laga gudbo. Hadaba, xubno baarlamaan oo aan shaqadii looga baahnaa la iman sidee ku dhici kartaa in la soo celliyo welliba iyada oo qiill looga dhigayo ineey yihiin kuwo carruurta ku korsanaya.

Haddii meesha ay tahay meel carruurta lagu korsanayo, waxaa habboon in la geeyo dadka aadka u jilican oo ay ka midka yihiin hooyooyinka heesta carruurta agoomaha, waayeelka aan heeysan waxeey cunnaan, iyo dadka ay xoolahii kaga dhamaadeen abaaraha. Hadaba, waxaa laga ma maarmaan ah in wax laga beddelo habka dadka ay u fakerayaan, waana ineey dhamaataa sheekadan maalaa yacniga ah ee ah carruur baa lagu korsanyaa baarlamaanka.

Suurta gal ma ahan in maalin kasta la keeno dad aan waajibaadkii saarnaa aan gudaneen; hadaba, waxaa loogu baaqayaa dhamaan dadka u dhashay deegaanadaas oo danneenaya arrimaha siyaasada iyo is beddel weeyn oo ka dhaca gobolka Sanaag ay u tartamaan ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Puntland si ay qeeyb weeyn ugga qaataan wax ka qabashada arrimaha cakiran ee gobolka iyo midda guud ee dalka.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*