26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa baaq nabadeed u diray Beelo walaala ah oo Dirir ku dhexmartay Deegaanka Dhabar -Dalool ee Gobolka Sool.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.

Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinteena suuban.Waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo cid walba oo wax ka geysan karta sidii loo damin lahaa dhibkaas in ay kaalintooda nabadeed ka qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*