29th March 2024  admin  Category :

Afhayeenka beelaha Isaaq oo aflagaadeeyey beelaha   Jareer weyn iyo Hawiye.

Cunsurimada iyo dhiiraanaanta Af xumada  Siyaasiyiinta  beelaha  Isaaq ay  kula kacaan beelaha Koonfurta Soomaaliya,    maaha mid maanta soo bilaabantay oo waa mid soo jireen ahayd oo belaha Koonfurta Soomaaliya ay  waqti badan    u soo dul qaadanayeen

Maanta Afxumada iyo akhlaaq xumada lagula kacay gabadh Soomaaliyeed oo dalkeeda u shaqaynaysa, iyada oo lagu eedaynayo muuqaalka ay u egtahay sida Allah abuuray waxay soo dhaaftay Islaamnimadii iyo Bani aadanimadii. Waana in qof kasta oo Soomaaliyeed uu  arinta ka hadlaa.

Afhayeenka Beelaha Isaaq Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo la  hadlaya warbaahinta waxa uu sheegay in Maryan Aweys Jaamac oo ah  Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ” Inanta yar oo Soomaali Baantuuga ah dekedda Ber bera kama hadli  karto, waa khaladka aanu saxayno in  maanta Jareeri noo dawladayyso”.  ‘Waa khaladkii lixdankii ka dhacay dalkeena oo wixii doonaaba ay Hadda ka hadlayaan

Image result for Maryan Aweys Jaamac

Isla waraysigan Afhayeena beelaha Isaaq wuxuu ku sheegay in Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan cali Kheyre uu adeegayo  Mastarkiisa Cabdi weli Gaas. Master waa erey edeb daro ah oo loogu yeeri jiray ninkii lahaan jiray Madowga Maraykan ee la gumaysan jiray Qarniyo ka hor

Ugu danbayntii Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha   Isaaq intooda badan waa u caado amaana  iyo hambalyo  waa kaga helaan Beeshooda  cayda Soomaalida kale ay ku  aflagaadeeyaan gaar ahaan beelaha Koonfurta Soomaaliya , waxaanse la ogayn Cali Kahliif oo ay maamul wada samaysanayaan FAYSAL iyo kooxdiisu  inuu isaguna aaminsan yahay in Baantuugu ama Jareer  weyni ayna ka hadli karin   arimaha waqooyiga  Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*