17th July 2026  admin  Category :

AASKII RASMIGA AHAA EE AWOOWE AXMED CABDI GARAAD CAWL EE 1940 KII OO KA MID AHAA BADMAAXYADI SOMALIYEED EE REER LAAS QORAY EE DIFAACAY DHULKA INGIRIISKA DAGAALKII LABAAD EE ADUUNKA.:

Wargeyska magalada Grimsby ee dalka Ingiriiska ee loo yaqaan “Grimsby Evening Telegraph” ee soo baxay bishii February 22keedi, sanadkii 194O kii aya qoray aaskii rasmiga aha ee loogu sameeyey magalada Grimsby qubuuraheeda Tower Hill Memorial, Scarthoe-Road Cemetery Allaha u naxariistee awoowe “Axmed Cabdi Garaad Cawl” oo aha Reer Las Qoray, kuna geeiyooday markii markabkii u saarna oo loo yiqiin “Baron Aisla” oo ka dagaalamaayey North Sea eey ku qaraxday miino bada eey dhigeen maraakiitii Jarmalka bishii 17 kii February, 1940.

Aaskii rasmiga aha ee loogu sameeyey magaalada Grimsby aya waxa ka soo qeybgalay duqa magaalada iyo madax kale.

Waxaana loogu aasay qabuuraha Cemetry sida loo aaso Muslimiinta, isago eey kafanta ku xireen, kuna tukaadeen , ciidna ku shubeen laba wadaad oo Somaali oo laga keenay magalasa Cardif

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*