26th July 2024  admin  Category :

Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa tibaaxaya in ay halkaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah. Arintan ayaa salka ku haysa kadib markii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan faroole oo xilka PIS-ta u magacaabey Col.Cali Biingo, wareegtada Madaxweynaha ayaa waxaa ku cad in magicii laga bedelay Hay’addii PIS isla markaasna loo badalay PIA, wareegtada kuma cadda in xilkii laga qaadey Agaasimihii Col.Cismaan Maxamuud Cabdullaahi (Diyaano), laakiin waxaa ku cad in magaca laga badalay hay’adda isla markaana masuul cusub loo sameeyay.

Wararka aan ka helayno magaalada Bosaso ayaa sheegaya in Cismaan Diyaano uu diidey xilka qaadis in lagu sameeyay isla markaana sheegay inaanu aqoonsanayn wareegtada Madaxweynaha, ayna tahay wax uu ka maqley saxaafadda, sidoo kale galabta ayaa laga dareemaayey dhaq dhaqaaq ciidan magaalada, waxaana ciidanka PIS-tu ay xireen wadooyinka soo gala halka ay degan yihiin isla markaana ay rasaas cirka u rideen. Dhanka kale waxaa heegan la geliyey ciidamo dhawaan magaalada la keenay kuwaas oo ku sugan madaxtooyada Bosaso iyo Dekadda Bosaso.

Dhanka kale war aanu ka helnay magaalada Qardho ayaa sheegaya in Col.Cali Biingo oo ah ninka dhawaan Madaxweynuhu u magacaabey agaasimaha PIS-ta in uu dib ugu noqdey magaalada Garoowe kadib markii uu isku dayey in uu u soo talaabo dhanka Bosaso, waxaana gelbinaayey ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, wararka qaar ayaa sheegay in ciidanka PIS-ta ee degan Magaalada Qardho ay u diideen agaasimaha cusub in uu u gudbo magaalkada Bosaso.

Cismaan Diyaano ayaa ahaa agaasimaha hay’adda PIS-ta tan iyo sanadkii 2004-tii, waxaana xilka ku wareejiyey Maxamed Adan Bidaar oo ahaa agaasimihii ugu horeeyay ee hay’adda PIS-ta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*