26th July 2024  admin  Category :

Soomaaliya waxay u baahan tahay inay u gudubto xilligii dadka matelaya dalka lagu xulan lahaa dad ka tarjumaya danaha qaranka, dadkooda iyo dalkoodana ugu adeegaya si daacad ah oo caddaalad ku saleysan.

Ardayda Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi. Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay inay soo wajahday xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto. Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Soomaaliya, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsooc ku aadan in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen. Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay  in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Soomaaliya.

 

https://youtu.be/a7j7KYcPGnw

Muuqaalka hoose ee kaftanka siyasadda ee weriye Cali xaraare daadihinayo, ayaa looga hadlayaa safaaaradda Soomaalida ee dalka Pakistan ka bilow daqiiqadda 12:41

 

Q

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*