8th May 2024  admin  Category :

Doorashada Madaxweynaha JFS. By: Jaamac Deperani

Maalin Berito la mid aheyd Arbaco 8 Feb 2017, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo u tartamay Xilka Madaxweyna JFS wuxuu helay 18 cod, xiligaasi wuxu tartameyay isagoo soo noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Qorsheynta XFS.

Berito oo Axad ah 15 May 2022, MD Siciid Deni wuxuu isla xaruntii Teendhada Afisyooni ugu tartamaya xilka Madaxweynaha JFS, markaan waxaa uu tartamaya isagoo saameyn ku leh Soomaaliya dhinac walba, Ah Madaxweynaha Puntland oo soo qabtay shaqooyin aan hore looga qaban Puntland sida Doorasho Qof iyo Cod ah iyo isaga oo doorweyn kulaha Dalka in marxaladda kala guurka laga soo gudbiyo oo Doorasho dhacdo.

Waa labo maalin oo ay u dhexeyso 5 sano, wakhtigu wuxuu Madaxweyne Deni siiyey fursad uu kusoo bandhigay hoggaamintiisa wanaagsan ee waxqabadka Puntland iyo arrimaha Federaalka sida illaalinta Nidaamka Federaalka isku wadka DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo ka hortagga caqabadihii Doorashadda loo dhigay. Hadda Madaxweyne Deni, wuxuu isla teenadhada tegayaa isaga oo ay garbaha ka joogaan

saaxiibo badan oo siyaasadeed, la wadaagay qorshe siyaasadeedkiisa Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS, huwan Rajada shacabka Soomaaliyeed oo doonaya in ay codeeyaan mustaqbalka dhow, qofka keliya ee ay fursadaasi ka arkaana uu yahay Madaxweyne Deni oo hore ugasoo qabtay Puntland.

Waxaan ka rajeynaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, in ay Madaxweyne Deni ku dooranayaan Qorshihiisa siyaasadeed ee uu soo bandhigay ee wata cadeymaha waxqabad ee lasoo tijaabiyey, waayo waxa ugu weyn ee dalkeenu u baahanyahay waa amni, adeeg Bulsho iyo dadku in ay codeeyaan oo awooda

shacabka loo dhoweeyo. Guusha aynu sugeyna waa mid casharo badan oo siyaasadeed laga qorayo! Insha Allah

Qore Afhyeenka Puntland Jaamac Deperani

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*