26th July 2024  admin  Category :

Doorashadii 2017kii ka dhacday dalka Soomaaliya iyo guushii Farmaajo, waxeey aheed mid si weeyn loo soo dhaweeyey, waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen, “Ar Farmaajo ii geeya”, meesha caalamkana ay layaabeen shaqsiga Soomaalida ay aadka u soo dhaweeyeen, waxeeyna aamminsanaayeen inuu noqon doono shaqsigii dalka Soomaaliya dhibkii uu soo maray ka saari lahaa.

Xiligii la doortay Farmaajo, waxaa laga joogaa seddex sanno ku dhawaad, mana muuqato wax isbeddelah oo la taaban karo. Argaggixisadii dalka Soomaaliya welli waa sidoodii, dastuurkii dalka welli waa qabyo, dib u heshiisiin wax la yiraahdo dalka kama dhicin, ciidan qaran oo isku dhaf ah welli lama sameyn.

Hadaba, shaqsigii Soomaali oo idil iyo caalamkaba laga soo dhaweeyey, ma uusan qaban arrimihii muhiimka u ahaa shacabka Soomaaliyeed, iskabadaa wax uu soo kordhiyee, maanta ciidankii loo soo tababaray dalka ee loogu talagalay ineey argaggixisada dalka ka sifeeyaan, waxeey dagaal ka wadaan Guriceel, Dhuusamareeb iyo Matabaan, iyagoo kulla dagaalamaya Ahlasunna si ay ulla wareegaan Galmudug. Ahlasunna miyeey tahay in lalla dagaalamo maanta, mise argaggixsada dalka Soomaaliya dhibtay ayeey aheed in lalla dagaalamo?

Markii uu ku fashilmay Farmaajo inuu dalka ka sameeyo waxqabad la taaban karo, taas oo ay ummadda Soomaaliyeed ka sugayeen, wuxuu billaabay in uu raadiyo dariiq kalle oo isaga iyo kooxdiisa ay xukunka ku sii heeysan karaan, waxaana u soo baxday in maamulada dalka ka jira oo dhan ay gacanta ku dhigaan, iyadoo la adeegsanayo lacag iyo xoog.

Si maamulada loolla wareego, waxaan aragnay wixii ka dhacay Baydhabo oo ay ku dhinteed 15 qof, waxaan kalloo aragnaa maanta waxa Galmudug ka dhacaya, waxaan u jeednaa dhibka lagu hayo Jubaland iyo go’doominta la gelliyey, waxaa noo muuqata waxa Puntland ka taagan, iyadoo loo soo adeegsanayo calooshood u shaqeeystayaal deegaanka ka soo jeeda si dadka Puntland madaxa la isugu gelliyo.

Dalka Soomaaliya wuxuu noqday maanta mid siyaasad ahaan aan la garaneeyn meesha uu sal dhigan doono, waxaana taas keentay, siyaasadda qariban ee uu dalka la soo gallay Maxamed Ca/laahi Farmaajo iyo kooxdan la baxday Nabad iyo Nolol.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo waa shaqsi ku fashilmay arrimhii muhiimka u ahaa shacabka Soomaaliyeed; Hadaba, Soomaaliya waxeey u baahan tahay madaxweeyne cusub oo xooga saara arrimaha muhiimka ah, kana fogaada isku mashquulinta qasida maamul goboleedyada, burburinta nidaamka federaalka, taallooyin la taago dabadeedna dadka looga dhigo waxqabad, dalal gaar ah oo la iska iibiyo iyo waxyaabo la mid ah. Soo dhaweeyntii Madaxweeyne Farmaajo ee aheeyd, “Ar Famaajo ii geeya” iyo hankii weeynaa ee loo qabay maanta waxaa beddelay ar Farmaajo i dhaafiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*