26th July 2024  admin  Category :

Ka bilow siday u soo kala horreeyaan: 1. Inj. Axmed Xuseen, 2. Aqoonyahan Cali Cumar, 3. Qoraa Faarax Maxamed Jaamac Cawl (Faarax Cadde),  Axmed Siilaanyo.

Allah ha u naxariistee Aqoonyahan,Qoraa, Faarax Maxamed Jaamac “‘Cawl”.1937-1991.
Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” ,wuxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag  taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii.
Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga farsamada gacanta ee ‘Hargeysa Trade School’. Kaddib waxa uu waxbarasho sare u aadey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu magaalada London ka galay ‘Chelsea School College of Aeronautical and Automobile Engineering’ (1959-62). Ingiriiska waxa uu ku tagey deeq waxbarasho oo gumeytihii siiyey. Waxaa la sheegay in deeqdaas hal sano dib looga dhigay ganaax ahaan, kaddib markii uu ka qaybqaatay riwaayad gumeysiga lagaga soo horjeeday. Waxay isku xili ahaayeen oo waxbarasho Ingiriiska u wadda joogeen saaxiibna ahayeen  Siilaanyo.
Markii uu ka soo laabtay waxbarashadii dibadda, waxaa uu noqday bare farsamada dhiga (technical instructor). Sannadkii 1964 kii ayaa uu ku biiray Xoogga Booliska Soomaaliyeed (Somali Police Force), waxa uuna ka gaadhay darajada Kornaylka. Faarax waxaa masuul looga dhigay laanta gaadiidka. Halkaa waxa uu uga sii gudbey Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Gaadiidka Qaranka oo loo dhiibay sannadkii 1979 kii.

Faarax waxa uu 1974 kii qoray buugga ‘Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl, “Ignorance is the enemy of love” kaas oo ahaa sheeko-faneedkii ugu horraysay ee far Soomaali lagu qoro, maxaa yeelay qoraalka waxaa la hirgeliyey 1973 kii. Buuggu waxa uu ku salaysan yahay sheeko jacayl oo dhab ah, taas oo dhex martay nin la dhihi jirey Calimaax iyo gabadha Cawrala. Labadaba waxa ay isku degaan ahaayeen qoraaga.
Waxaa kale oo uu qoray Garbaduubkii Gumeysiga “The Shackles of Colonialism”oo Muqdisho lagu daabacay 1978 kii. Sannadkii 1989-kiina waxa uu soo saaray buugga Dhibbanaha aan Dhalan.”The Unborn Victim”.
Markii uu dagaalkii sokeeye qarxay 1991-kii ayaa Aqoonyahan Faarax iyo saddex ka mid ah caruurtiisii lagu dilay magaalada Beledweyne ee waddanka Soomaaliya, waxaase u badbaaday xaaskiisii iyo hal wiil oo la yidhaahdo Daahir Faarax.

Buugaagta Faarax M.J.Cawl.
Aqoondarro waa U nacab jacayl (“Ignorance is the enemy of love”), 1982
Garbaduubkii gumeysiga (“The Shackles of Colonialism”), 1978
Dhibbanaha aan dhalan (“The Unborn Victim”), 1989
Aqoondarro waa u nacab jacayl, 1974.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*