26th July 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Qablan iyo Xaaji Ayaan wax badan ayeey u qabteen Maakhir

Dawladii inaga burburtay ee lahayd sharciga iyo kala danbaynta , dakhligeedii waxaa laf dhabarta dhaqaalaha kow ka ahaa xoolaha nool .Kaalinta labaad waxaa ahaa wershaddii kaluunka ee laasqoray iyo macdanta Majayahan ee Ceel aayo marka laysku daro labadaa.
Bulshada ku nool degaankaa ma dareemin in dakhli badani , ka soo xeroodo dhulkooda , waxbana kama faa,iidin labada mashruuc oo kor ku xusan , ha ahaato mid dhaqan-dhaqaale ama bulsho , lacagtoodu waxay u gudbi jirtay dawladii dhexe ee soomaaliya oo ku maalgelin jirtay gobolo iyo degmooyin kale , si loogu dhiso wadooyin , iskuulo , cusbitaalo ,i.w.m.
Marka dib loo fiiriyo kacaankii Siyaad Bare waxaa ka waxtar badnayd , gaar ahaan degaanka Maakhir , dawladii ciidamadu inqilaabeen ee rayadka ahayd , sababna waxa u ahaa Cabdullaha Qablan .
Qablan wuxuu xubin firfircoon ka ahaa baarlamaankii Somalia ee markaa shaqaynayey oo looga dhex yiqiin , Cabdullaha Geeldoora.
Mudane Qablan wuxuu kaloo xukuumadihii markaa jirtay ka soo qabtay xilal kala duwan sida : wasiir ku-xigeenkii maaliyada iyo wasiirkii jaan-gooyada ( qorahaynta qaranka ) , wasiir Qablan waxaa Agaasime Guud u ahaa Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) , oo iminka ah madaxweynaha Somaliland .
Qablan, wuxuu ahaa wasiirkii ku dedaalay in laasqoray laga dhigo degmo , oo ku guuleystay inuu keenay degaanka mashaariic fara-badan , oo ahaa waxqabadka wakhtiga fog ( long term plan ), micnihii ugu horrayn iyo ugu danbayn waa waxqabadka dhabta ahaa oo ka muuqan jirey degaanka Maakhir ama iminka aad ka sii aragtaa raadkiisii .
Mashaariicadaa waxaa ka mid ahaa : 1. Wershadii kaluunka oo ugu weyned Africa , shaqaale badan oo kor u dhaafay laba kun ay ka shaqayn jireen , 2. Wadada Geeldoora , 3. Ceelal biyood – riigag , 4. Shaqaale badan oo uu qoray wasaaradihii soomaaliya ,
Sidoo kale waxaa degaanka M aakhir u soo halgamay Maxamud Ahmed Maxamed ( Xaaji Ayaan – Dingo ) oo ahaa aabihii tacliinta Gobolka Sanaag , Xaajigu wuxuu soo ururiyey dhammaan dhalinyaradii wax ka baratay dugsiyadii maakhir bilowgii xiligii tacliintu bilaabantay.
Wuxuu ka mid ahaa Xaajigu gudigii tacliinta ceerigaabo , oo laasqoray hoos immanaysay , sanadkii 1953 kii macalinkii u horreeyey ayuu Xaajigu geeyey laasqoray , kaasoo la oran jirey , Musa Yusuf Adan oo iminka loogu magac daray dugsiga sare ee laas-anood . ( waxaa ku kala xigay, c/karim cashur cabdule iyo cabdullahi xaji ayaan , oo midna uu xajigu u ahaa aabe midna u ahaa abti ).
Xusuus : labada oday oo u soo halgamay degaanka maakhir oo kala ahaa : Abdulaha Mohamed Ahmed ( Qablan ) , iyo Mohamoud Ahmed Mohamed ( Xaaji Ayaan – Dingo ) , midna wax lagu xusuusto loogama samayn degaanka maakhir , Gobolada iyo Degmooyinka kale ee soomaaliya waxa calaamdo ama qoraalo lagu xusuustaa rag badan oo ay ka mid yihiin Adan Isaaq Ahmed oo u dhashay Gobolka Awdal.
Qore : Abdiaziz Mohamoud Guribar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*