27th December 2024 admin Category :
Khaatumo iyo SNM horta maxay ka wada hadlayaan?
Wada hadal uu dhinaca beesha Isaaq hogaaminayo Faysal cali Waraabe iyo garab Khaatumo ka mid ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa ka furmay dalka Itoobiya
Wafdiga beesha Isaaq ee ku sugan dalka Itoobiya Mucaarad iyo Muxaafid waa Ku wada dhan yihiin kulankan , waxayna ka kooban yihiin dhamaan beelaha Dirta waqooyi ee degta waqooyiga Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibada Kooxda SNM Dr Sacad Cali Shire
Gudooomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin waxaana uu galay booskii gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo safar ku jooga Borama
Wasiirka waxbarashada SNM Cabdilaahi Ibraahim Habbane
Wasiirka beerahaSNM Maxamed Aw Daahir
Wasiiru dawlaha waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan
Wasiiru dawlaha nabadaynta ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gar-gaar)
Iyo wasiirka madaxtooyada SNM Maxamuud Xaashi Cabdi
Garabka Khaatumo ee la kulmaya Beel weynta Dirta waqooyi. Waa koox yar oo xanaaq iyo masayr ay ka qaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Majeerteen ay ku kaliftay in waalidan ku dhaqaaqaan, oo diyaarad u qaataan Addis ababa. Kooxdan Cali Khaliif wada hadalka ay la gelayaan Dirta waqooyi wax wada tashi kalama samayn inta badan beesha Dhulbahante, beelaha Harti, Kablalax Daarood iyo guud ahaan beesha Daarood. Waxayna ka kooban yihiin
Gudoomiyahii hore baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan
Wasiirkii hore Amniga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf
Wasiirkii xidhiidhka dibadda Maxamuud Ismaaciil shabbac
Aqoonyahan jecel SNM Maxamed Mahdi Aadan Baayir..
Ugu danbayntii wada hadalka ay maanta isku hor fadhiyaan Cali Khaliif iyo Faysal Cali Waraabe , maaha mid Laascaanood lagu soo celinayo , maaha mid kuraasta aqalka sare looga wada hadlayo, maaha mid dadkii magaca SNM laGU xasuuqay magtooda looga wada hadlayo, maaha mid looga hadlayo abaaraha ka jira Fuqufuliye iyo Awrboogays ee waa mid maamulka Puntland ee ay u wada yaqaniin labadan kooxood Majeerteeniya la doobayo in galbeedka dagaal looga furo. Maamulka Puntland ayaa hadda dagaal iyo weerar waxa uga wada Koonfurta iyo Bariga Ururada USC iyo alshabaab, waxayna dagaala ka wadaan magaalooyinka Gaalkacayo iyo Qandala
ALLSANAAG.COM