12th May 2024  admin  Category :

Al-Shabaab ma waxay bar-tilmaameedsanaysaa qabaa’illada ay ka soo jeedaan meeleeshiyaadka la dagaallamaya?

Dhowaanahan, waxaa sare u kacay bar-tilmaameedyada ay kooxda Al-Shabaab ku hayso qabaa’illada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadka is-abaabulay ee dagaalka kula jira kooxdaas.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan maleeshiyo-beeleed iskood isu abaabulay waxa ay dagaal ku qaadeen Al-Shabaab iyagoo gacan ka helaya ciidamada dowladda.

Kaddib dagaalkaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay maalintii Sabtida ahayd ugu yaraan labaatan qof oo rayid ahaa ku dileen gobolka Hiiraan, xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay xasuuqday dadkaas, kaddib markii beelaha deegaanka ay billaabeen iska caabbin ka dhan ah ururkaas.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka ay laayeen ay ahaayeen maleeshiyaadka macawisleyda loo yaqaanno oo toddobaadyadii u dambeeyay duullaanno ku qaaday farriisimo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab ma waxay bar-tilmaameedsaneysaa qabiillada macawisleyda?

Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare oo xilligii uu ahaa taliyaha NISA ay billaabmeen maleeshiyo-beeleedka noocan ah oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in haddii dowladda aysan garab siinin maleeshiyo-beeleedyada dagaalka kula jira Al-Shabaab ay dhibaato u gaar ah wajihi doonaan.

” Haddii hal qabiil kaligiis uu dagaal la galo Al-Shabaab wuxuu culays ama xoog uu ku wiiqayo qabiilkaas saarayaa deegaannadooda si ay qabiillada kale ugu quus-qaataan,” ayuu yiri jeneraalka.

Wuxuu intaa ku daray, “beegsiyada qabaa’illada ee ay Al-Shabaab waddo waxa ay sababaysaa in qabiilka intiisa kale ay is-abaabulaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen Al-Shabaab, maaddaama deegaannadoodii la bar-tilmaameedsanayo.”

Jeneraal Tuuryare ayaa sheegay in sida ugu fudud ee ay Al-Shabaab dowladda dalka uga xorreyn karto ay tahay in dadka deegaanka iyo qabaa’illada ay is abaabulaan.

“Dowladdu waa inay ciidamo ku taageertaa maleeshiyo-beeleedka hubeysan si aysan Al-Shabaab u beegsan keligood.” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

“Dowlad aan shacabka deegaanka haysanin oo ay dadkeedu abaabulnayn inay A-Shabaab ka adkaato way adag tahay, maxaa yeelay xitaa haddii ay ciidamada xoreeyaan deegaannada dad sii haya oo abaabulan ayaa loo baahan yahay.”

“Waxay taasi horseedi kartaa in arrintan ay noqoto dagaal nooc cusub ah oo ugu dambeyn looga guulaysan karo Al-Shabaab, balse waxay ku xiran tahay sida loo fahmo iyada oo laga hortagayo in uusan abaabulkoodu mar kale damin, waxaana is leeyahay in tani ay tahay fursadda ugu wanaagsan ee ay dowladdan haysato,” ayuu yiri.

“Waa fursad fiican in dadka deegaanka iyo qabaa’illada ay is-abaabulaan si ay Al-Shabaab isaga difaacaan, dowlad kaligeed ma awooddo inay iska difaacdo ama ay dalka ka xorayso Al-Shabaab” ayuu raaciyay.

Al-shabaab

Maxaa hadda la gudboon shacabka, macawislayda iyo dowladdaba?

Jeneraal Tuuryare ayaa sheegay in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dowladdaba looga baahan yahay inay hal dhinac ka soo jeestaan “haddii kale ay sii socon doonto ugaarsiga ama bar-tilmaameedsiga gaarka ah ee qabiillada qaar.”

“Waxaa la gudboon in maanta loo midoobo oo dagaalku uu saf ballaaran noqdo, dagaal shacab iyo mid dowladeedba uu noqdo. Sida aan arkayno hadda waxaa la laynayaa carruurta iyo haweenka marka waa in shirkadaha iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay hal dhinac ka soo jeestaan, haddii kale way adkaanaysaa in bar-tilmaameedsiga gaarka u ah qabaa’illada qaar xal laga gaaro.”

Maxay tahay in laga fikiro si aysan u burburin dhaqdhaqaaqyada macawisleyda? 

“Waxaa laga bartay casharro dhowr ah, waa midda koowaade beelaha is abaabulaya laftooda waa in marka hore la dhameeyaa dhexdooda waxa yaalla. Waxaa laga yaabaa in beelo markii horeba ku dagaashanaa daaqa iyo deegaanka ay mid ka mid ah u kacdo la-dagaallanka Al-Shabaab, kaddibna ay beesha kale Shabaabku u adeegsadaan la-dagaallankeeda, iyagoo ku dhahaya maanta fursad baad heysataan ee iska dhiciya beeshaan innagana garab baan idin siineynaa.”

Jeneraalka ayaa sheegay in arrimahaas ay caqabad ku noqdeen howlgalladii macawisleyda iyo xitaa kuwii dowladda. Wuxuu xusay in cashar laga bartay oo loo baahan yahay in marka hore la dhameeyo khilaafka daaqa iyo deegaanka ee u dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.

“Qodobka labaad ee aadka muhiimka u ah ee laga bartay ayaa ah in la ilaaliyo hoggaanka. Maxaa yeelay, dadka la abaabulayo waxaa hoggaan u noqda dad culimo ah, dhaqan ah ama saraakiil ah, marka waxaa dhacda in Al-Shabaab ay bar-tilmaameedsadaan hoggaankaas, si ay wixii u baaba’aan. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hoggaankaas oo xil gaar ah la iska saaro amnigiisa, sidoo kalena la siiyo tababarro ku filan.”

Waxa uu sheegay in qodobka saddexaad ee isna aadka muhiimka u ah uu yahay in marka ay ciidamada is-abaabulay ay meel ka qabsadaan Al-Shabaab si deg-deg nidaam dowladeed loogu sameeyo oo aan loo deyn beeshii is-abaabushay ee qabsatay.

“Maxaa yeelay” ayuu yiri, “halkaas beel ayaaba dhexdeeda isku qabsan karta maamulka, taasina waxa ay sababeysaa in dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab uu joogsado oo iyagii ay gudahooda isku mashquulaan.”

Dagaaladii hore ee Al-Shabaab iyo Macawisleyda

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo maleeshiyaadkan isbaheystay ayaa ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Gobollada Dhexe.

Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dad badan.

Ninkii hoggaamin jiray “Macawisleyda” ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab iyo maleeshiyada ku dhexmaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, bishii Oktoobar ee sanadkii 2020.

Maleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deegaannadaas uu ururka Al-Shabaab ka qaado canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”.

Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa isagoo ku sugan gobolka Hiiraan BBC-da u sheegay in aan dib looga soo laaban doonin deegaannada Al-Shabaab laga saaray.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan haatan lahayn awood ay si toos ah ugu babac-dhigi karto ciidamada dowladda iyo macawiisleyda isgarabsanaya. Waxa uu sababta ku sheegay in meelo badan ay ka soo dagaallameen oo hadda ay tabar dhigeen.

Wasiir Maxamed Kheyre waxa uu tilmaamay in meel kooban uu ka dhacay iska-hor-imaadka oo uusan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada is-garabsanaya, balse dhanka Al-Shabaab la xaqiijiyay ilaa “3 dhimasho ah.”

Dagaalkan cusub ee macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo billowgii bishii Juun uu mid ka mid ah qabiillada dega gobolka Hiiraan weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.

Dableyda ayaa markaas sheegtay inay ka jawaabaysay dil la sheegay inay kooxda u gaysatay nabaddoonkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*