28th March 2024  admin  Category :

Hoos ka akhriso magacyada dadkii Cabdi qayndiid  ka  afduubtay magaalada Gaalkacayo  , ka dibna isaga oo madaxa ka wada tooganaya hal meel ku wada xasuuqay

19 Aug 2017 (Puntlandes) Eedeysane Cabdi Xasan Qaybdiid oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii Colaadda sokeeyey ka curiyey  dalkeena 1991dii oo hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuridda Fadaraalka Soomaaliya isla markaasna ah gudoomiyaha Guddiga labada Aqal ee Baarlamaanka ee dib u eegidda Dastuurka Soomalaiya.

27a4

 

Colaaddaas uu Cabdi Qaybdiid ka mid aha abuurayaashii ayaa waxay sababeen Xasuuq, Dhiasho dad badan, barakicin iyo Tacadiyo kala duwan oo loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

 

Xasuuqii uu Cabdi  Qaybdiid gaystay

Febraayo 1991dii, dagaal Gaakacyo ka dhacay oo uu maxaabiis uu ku qabtay Cabdi Qaybdiid, si bareer ah ah u xasuuqay, isagoo dadkaas inta uu qafaashay si wadar ah u XASUUSAY.

27a4a

Falkaas  bahalnimada  ah wuxuu  ka hor  imanayaa xeerka Quruumaha Midoobey ee shirkii Jeenefa  (Jeneva Convention)  75. T. S. 135, 21kii Oktoobar 1950, kaas oo Soomaaliyana  saxiixday 12kii Juun 1962dii.

 

Xeerkaasi wuxuu  jideynayaa in maxaabiista goobaha dagaalka lagu qabto, leeyihii  xuquuq  daryeel isla markaasna  reeban  tahay in la dilo ama  si  xun loola dhaqmo.  Dowladdii  ama qofkii  ku xad  gudbana  xuquuqdoodana eedeysane yahay sida  ku cad qodoka 24 ee xeerkaas.

 

Eedeysane Cabdi Qaybdiid, oo xeerkaas jebiyey, waxaa mar hore loo baahnaa in lagu oogo dacwad falkiisa ka hor  jeeda. Nasiib darro, waa laga gaabiyey in mar hore hawshaas la meel mariyo.  Fursaddaas waqtigeedii la dayacay haddaa  dhab  ahaantii  loo baahan yahay  in la hir geliyo  Cabdi Qaybdiid na Dambigaas lagu oogo.

 

Eedeysane Cabdi Qaybdiid, oo weli faraha dhiig  ku leh sharciguna ilaa hadda abaalkiisa marin, tii hore kaba sii darane hadduu  hamuun arooryo u qabaa inuu dhiig kale  ku rakaato dagaal  qabiilna  huriyo, ayaa waxaa lagu sheegay in loo doortay inuu yahay gudoomiyaha Guddiga labada Aqal ee Baarlamaanka ee dib u eegidda Dastuurka Soomalaiya taasoo Yaab iyo Fajaciso ku noqotay dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

.

MAGACYADII dadkii intuu Gaalkacyo ka Qafaashay Cabdi Qaybdiid uu xasuuqay ayaa AUN ah:

1- Maxamuud Xaaji Xassan

2- C/shakuur Maxamuud Cali Nuur

3- C/rashiid Maxmuud Cali Nuur

4- Yaasiin Maxamad Qasaal

5- Cabdikariim Maxamuud Dhabanleexshe

6- Cismaan Maxmuud Dhabanleexshe

7- Xussein Afrax Ereg

8- Maxmad Xassan jaamac

9-Maxamad Jaamc Xersi

10-Maxamuud Qaalin Cadde

11-Axamad Faarax Gurey

12-Cabdullahi Abshir Gannaje

13-Yaasin Dufanle

14-Xersi Warsame xaraare

15-Axmad Faarax Warsame

16-Bashiir Sheikhdoon Kadawe

17-Maxamed Diiriye Khalaasi

 

Cabdi Qaybdiid ayaa hameenkii ay taariikhdu ahayd 24kii feb. 1991dii waxa uu magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku XASUUSAY dad tiradoodu ay ahayd 707 qof, kuwaasoo aysan jirin wax ay galabsadeen oo aan ka ahayn Beesha ay kasoo jeedaay qaarkoodna waxa uu ku guray Ceelasha Biyaha magaalada laga cabo, dhiigoodana waxaa uu ku qoray darbiyada magaalada.

Australia, Victoria   state,

Qore-Cabdi  Aadan.

One thought on “Akhriso waxna ka ogow gacan ku dhiiglenimada Cabdi Qaybdiid & Xasuuqii uu sameeyey

  1. Hussen

    Warkasi waxba kama jiraan cabdi qeybdiid waligiin galkacyo qof kuma dilin dadka islayey qabiilo somali bay ahayeen xiligasna wan jogay

    Reply

Leave a Reply to Hussen Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*