8th December 2021  admin  Category :

Akhriso Khudbaddii Xildhibaan Abshir Siciid Saalax iyo fariintii uu u diray Madaxweyne Gaas 2015

Ku:- Gudoonka golaha wakiilada
og: Xukuumadda dawladda puntland
Og:- Xubnaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland
Og. Shacabka puntland
og: saxaafadda xorta ee ka jirta geyiga soomaaliya oo dhan
Date:- 12.10.2015

Ujeedo:- Warbixin Gudiga la socodka Xaaladda gobolada Maqan.
Mudane Gudoomiye Mudanayaal.

Mudayaal iyo Murwooyin.
Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan in hortiina kasoo muuqno aniga iyo Gudiga aan Hogaamiyo, oo aad u idmateen inay gutaan waajibaad Qaran warbixinna ka keenaan xaaladda gobolada lagu muransanyahay, ee Cayn Sanaag iyo Sool,
Mudanayaal waxaad la socotaan gobolka Sool iyo Sanaag ianay katirsanyihiin Gobolada Puntland sida uu qeexayo Dastuurka Dawladda Puntland, ummadda Goboladaasi waxay si rasmi ah wax uga dhisteen Dawladda Puntland 1998, waxayna ahaayeen tiirarka ugu muhiimsan shirarkii dhidibada loogu taagey, Dawladda Puntland..

Mudanayaal iyo Murwooyin. Waxaynu wada ognahay in gobolka Sool maamulka Hargaysa kula wareegay Cudud millatery Bishii Oct 2007, Wakhtigaas oo madaxwayne ka ahaa puntland General Cadde Muse Hirsi, lagama qabsan qabiil ee waxaa laga qabsaday maamulkii markaas talada hayey,

Mudanayaal iyo Marwooyin ilaa wakhtigaas Gobolka Sool iyo Shacabkiisii oo walaaleheen ah dadkii puntland ku dhistay rabitaankooda ah, waxaa lagu haystaa xoog waxaana laga qaaday dhamaan xoriyadii qof bini’aadan ahi lahaa,

Mudanayaal Waxaa nasiib darro ah in Shaqsiyaadka u Tartamayaa Madaxtinimada Puntland midkasta halhays ka dhigto waxaan soo Celinayaa Gobolka sool, asagoo ujeedkiisu yahay inuu ku kasbado xubnaha ka tirsan baarlamaanka puntland una helo codkooda.sidaa daraadeed Mudanayaal iyo murwooyin waxaa laga maarmaan ah in dhamaanteen aan u guntanno sidii cadawga looga xoraynlahaa Gobolkaas wakhti kama danbays ahna loo qabto xukuumadda hadda Talada haysa.
Xogaha aanu helay waxaa ka mida dawladda puntland inaanay wax saamayn waxkaqabad an kulahayn meelaha aan cadawgu weli si toosa ula wareegin, sida Buuhoodle Taleex, Boocame iyo dhamaan degmooyinka kale ee hoos yimaadda, waxay ka qatanyihiin, Dhaqaalaha beesha Caalamku siiyo Puntland, Waxay ka qatan yihiin Baahinta haykalka dawladnimo, waxay u oomanyihiin Dawladd tagta oo geysa inkaaniyaatkii dawladnimo .Sida
Biyaha iyo Korontada
Gobaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo Gaadiidka Caafimaadka
Cusbataaalo iyo qalabkii loogu talo galay Bukaanka iyo Daawadda
Ciidan boolis oo tayo taleh , saldhigyadii ay ku shaqaynlaheen, Gaadiidkii, hubkii iyo mushahar
Xarumihii Dawladaha hoose
Xarumihii Gobolka
Xarumihii Wasaaradaha .

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaa hadda khatar ugu jira in si fudud Gacanta loogu dhigo gobolka Sanaag, oo hadda ay qorshaynayaan cadawgu ilay ku galaan kaambayn siyaadadeed, si ay xilka qaranka marlabaad ugu guulaystaan. Xogahaas waxaan aanu ka hellay lamaha amaanka gobolka kormeerkii aanu ku tagnahay Bishii June 08 2015,

Waxaa wax laga naxo ah gobolka Sanaag hadda kuma nega Waxqabad iyo ka warhayn Dawladeed, Hase yeeshee Waxay weli dhawrayaan maamul ka hirgala gobolka iyo Madax garwaaqsata Baahida waxqabad oo ka jirta Gobolka Sanaag waxna ka qabata. Mudanayaal waxaad ka garan kartaan in dawladu aanay diyaar u ahayn waxqabad gobolkaas, 17sano oo puntland jirtey Malahan.calaamadaha lagu garto inuu jiro maamul dawladeed

Saldhigyadii Ciidanka Boliska
Saldhigyadii Ciidanka Xooga
Xaruntii Garsoorka
Xabsigii wax lagu xidhilahaa
Xaruntii Gobolka
Xaruntii Dawladda Hoose
16 wasaaradood aan haba yaraatee wax dhisme ah ku lahayn.

Mudanayaal iyo murwooyin waxaa idinka codsanaynaa inaad go’aan gole ku meel marisaan in dawladu buuxiso dhamaan baahiya ka jira goboladaas, isla markaana aad soo go.aamisaan in la xoreeyo gobolka sool magaalad laascaanood, lana difaaco kuwa hadda cadawgu halabsanayo. Waxaan ku soo koobayaa warbixinta hore.gobaygan yar

Tafaraaruf iyo Waxaan necbahay kala tilmaanawe
Tol is raacay muushuu tagaa loo tixgeliyaaye
Tabantaabo Gacalkii Maqnaa tabaye aan doono.

Hadaad aragto duul wada dhashoo diirka ka colooba.
Iyagoo is wada diidan baa laga danaystaaye.
Midninada ku diirsada intaad dunida joogtaane.

Laacaano Waxaan leeyahay.
Puntland Baarlamaankeedu wuxuu Baaxad waynyahaye
Baaqooda oo kaliya Baa Meel Boqsiinka eh
Hadii Baarigeenu isku tago way banaantahaye
Buntulkha iyo Beebaha hadaan Meel uwada beegno
Bilaahaan ku dhaartaye cadawgu wuu baydadaayaaye
Laascaano oo beled ah baan beeg ugeleyaaye.
Hobolyoobe shacabkiiye waan booqaneenaaye..
Q1. Gudigani Wuxuu Wada shaqayn toosa la yeelandoonaa,

Xukuumadda dawladda Puntland oo madaxwaynuhu hogaaminayo, Wada shaqayntaas oo ah inaanu ku daba gallo Balan qaadkii ahaa, Sool Faataxona laguma qabsan Faataxana lagu soo celinayo
Golaha Wakiilada oo ay u gudbin doonaan Talo bixin dhaba oo ka turjumeesa, arigtida dhabta ah ee gudiga, anagoo talo iyo
Shacabka gobolada sool sanaag iyo cayn, Ganacsatadiisa, Madax dhaqameedka,Ururada Dhaliyada, urudada haweenka annagoo la wadaageenna dareenkayga xambaarsan ka xoroobidda cadawga, midnimada Shacabka Degeenadda, wixii suura gal ah oo turxaan bixinnana gudiga qaybtiisa ka qaadandoono.

Q2. Xoraynta Gobolada Maqan ah waajibaad Qaran oo inna Wada sugaya, Gudigu Wuxuu Rabaa inuu Garwaaqsaday kuna tashaday inuu baadhitaan ku samayo
Qorshaha Dhow iyo kan fog ee Xukuumaddu u diraarisay xoraynta iyo dib u soo celinta Gobolada maqan.
Hadii ay jiraan wax Caqabadda oo ka horyimi mudadii sanadka iyo Badhka ahayd Ee xukuumaddu Xafiiska joogtey,
Hadii ay jirto in xukuumaddu Gudiyo u saartay heer qaran ah ilaa hadda wax u qabsoomay oo yididiilo abuurikara
Waftigii uu hogaaminayey Garaad Saleebaan, oo runtii ahayd arin labogaadiyey, ka dawlad ahaan waxa talo iyo tusaale lagu duulikaro, oo ay nagu soo kordhiyeen hadii ay jirto, iyo qorshe madaxda dhaqanka oo maqan loogu yeedhayo hadii uu jiro.
Qorshaha horumarineed ee goboladaas xukuumadu ugu talo gashay
Q3.Talo Soo Jeedinta Xukuumadda.

Sida Lawada ogyahay somalialnd Si dhaba Gacanta uguma wada hayso Goboladaas, hase yeeshee waxay ku yimaadaan Dalandoon qaybo badan oo kamida gobolka sool, Gobolka sanaagna waxay ay hadda qorshaynayaan inay si toosa faragelin siyaasadeed ugu sameeyaan, sidaa darted kama jirto wax maamul Somaliland ah labadaas gobol marka laga reebo magaala madaxda gobolka sool Laascaanood, Haddaba Gudigu Wuxuu talo ku soo jeedinayaa.

In Dawladdu Gaadhsiiyo maamulka Magaalooyinka Weli aan si dhaba gacanta loogu dhigin ee ka mida gobolka Sool, lana dardar geliyo siyaasad rasmi ah oo ogolaanaysa in la wajoho qorshahaas.
Xoojinta Maamulka heer gobol iyo Degmo Ee Gobolka cayn oo dhowaan Golaha Deegaanka Laga soo dhisay Xarunta Gobolka cayn Ee Buuhoodle, madaxda qarunkuna si joogta u tagto, si bulshadu u dareentu in dawladdu danayneeso wax u qabadka dalka iyo deegaanka lana horumariyo amriamaha bulshada iyo amniga gobolka.

Gobolka Sanaag wuxuu ubaahanyahay in laga hirgeliyo oo kaliya cashuurihii Dawladda dhexe iyo dawladda hoose, kamana jirto wax caqabad Somaliland ah oo horjoogsada waxaana ka jira maamul u baahan in la xoojiyo lana kabo, sidoo kale wuxuu ubaahanyahay in madaxda qaranku booqato loona saaro guddi kasoo dhaqaajiya maamulka, magaalooyinka aan lahayn golayasha deegaannkana si deg deg loo dhigo golihii degaanka lasoo dhiso goleeda , Dawladdu waxaa larabaa inay qabato wixii ay qabankarto, hase yeeshee hadaan juhdi iyo dadaal la gelin wax sii xumaada maahee wax soo hagaagaya ma jiraan.
In la xukuumadda Puntland la timaado qorshe cad oo lagu wajahayo soo celinta gobolka sool, taasoo ah kasbashada kalsoonida shacabka iyo madaxda dhaqanka ee gobolkaas.

Gudigu wuxuu ku talo bixinayaa in dib u heshiisiin loo sameeyo Beelaha dega gobolka sool, kuwaasoo xurgufo yaryari mudo ku kala jireen. Loona saarro guddi heer qaran ah oo ay garwadeen ka yihiin xubnaha golaha wakiiladda ee kasoo jeeda Gobolka sool
Gudigu wuxuu ku talo bixinayaa in laseemo ciidamo u gaara gobolka sool kuwaaso loo diyaarayo inay wajahaan xoraynta gobolka sool. Ciidankaas waxaa loo baahanyahay inuu ka duwanaado ciidamada hadda jira, waxaana loo diyaarinayaa dhamaan agabka ciidanka, tababarka waana inuu ahaada ciidan isku dhaf ah oo aan ahayn Ciidan ka soo jeeda gobolka sool oo keliya,
In la helo Ciidan Puntland oo Mida oo aan lahayn Magacyada hadda uu leeyahay.

Gebagebo, guddigu wuxuu cambaaraynayaa maamulka Hargaysa oo fera gelin ku haya dhulka iyo soohdimaha dawladda puntland, wuxuuna ugu baaqayaa dawladda uu hogaaminayo madaxwayne Gaas, inay si deg deg ah uga jawaabto, sababta Puntland uga aamusantahay sheegashada ciid iyo dhulka Puntland, waxaana lagu wargelinayaa inay qaadaan talaabada ku haboon,,
Sidoo kale waxaa warbixin laga soo saari doonaa qabyo ah,QABSASHADII SANAAG, IYO QAYKEEN QORSHAHOODA, QIYAADADII XUKUNKEENA, QIIMIHII SHARAFTEENA QARANKEENI DHISNAA, INAYNU QAYBINO MAANTA, MA WAX NOO QALANTAA, WAXAA QAADAYAA TAAS, QALINKEENA SAXIIXA, NINKA MAANTA U QAATAY, QISADAANA XAQIIQ, TAARIIKHDAAS QORMI DOONTA, MIDNA WAA QURUXDIISA, MIDNA WAA QABRIGIISA IYO QOOMAMO QOYSKA QARNIYO AAN KA HADHEENE, ,.
Waad Mahadsantihiin.
Gudoomiyaha gudiga xuduudaha Puntland
Xildhibaan Abshir Siciid Saalax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*