5th January 2025 admin Category :
Hoos ka akhriso magacyada dadkii Cabdi qayndiid ka afduubtay magaalada Gaalkacayo , ka dibna isaga oo madaxa ka wada tooganaya hal meel ku wada xasuuqay
19 Aug 2017 (Puntlandes) Eedeysane Cabdi Xasan Qaybdiid oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii Colaadda sokeeyey ka curiyey dalkeena 1991dii oo hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuridda Fadaraalka Soomaaliya isla markaasna ah gudoomiyaha Guddiga labada Aqal ee Baarlamaanka ee dib u eegidda Dastuurka Soomalaiya.
Colaaddaas uu Cabdi Qaybdiid ka mid aha abuurayaashii ayaa waxay sababeen Xasuuq, Dhiasho dad badan, barakicin iyo Tacadiyo kala duwan oo loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Xasuuqii uu Cabdi Qaybdiid gaystay
Febraayo 1991dii, dagaal Gaakacyo ka dhacay oo uu maxaabiis uu ku qabtay Cabdi Qaybdiid, si bareer ah ah u xasuuqay, isagoo dadkaas inta uu qafaashay si wadar ah u XASUUSAY.
Falkaas bahalnimada ah wuxuu ka hor imanayaa xeerka Quruumaha Midoobey ee shirkii Jeenefa (Jeneva Convention) 75. T. S. 135, 21kii Oktoobar 1950, kaas oo Soomaaliyana saxiixday 12kii Juun 1962dii.
Xeerkaasi wuxuu jideynayaa in maxaabiista goobaha dagaalka lagu qabto, leeyihii xuquuq daryeel isla markaasna reeban tahay in la dilo ama si xun loola dhaqmo. Dowladdii ama qofkii ku xad gudbana xuquuqdoodana eedeysane yahay sida ku cad qodoka 24 ee xeerkaas.
Eedeysane Cabdi Qaybdiid, oo xeerkaas jebiyey, waxaa mar hore loo baahnaa in lagu oogo dacwad falkiisa ka hor jeeda. Nasiib darro, waa laga gaabiyey in mar hore hawshaas la meel mariyo. Fursaddaas waqtigeedii la dayacay haddaa dhab ahaantii loo baahan yahay in la hir geliyo Cabdi Qaybdiid na Dambigaas lagu oogo.
Eedeysane Cabdi Qaybdiid, oo weli faraha dhiig ku leh sharciguna ilaa hadda abaalkiisa marin, tii hore kaba sii darane hadduu hamuun arooryo u qabaa inuu dhiig kale ku rakaato dagaal qabiilna huriyo, ayaa waxaa lagu sheegay in loo doortay inuu yahay gudoomiyaha Guddiga labada Aqal ee Baarlamaanka ee dib u eegidda Dastuurka Soomalaiya taasoo Yaab iyo Fajaciso ku noqotay dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
.
MAGACYADII dadkii intuu Gaalkacyo ka Qafaashay Cabdi Qaybdiid uu xasuuqay ayaa AUN ah:
1- Maxamuud Xaaji Xassan
2- C/shakuur Maxamuud Cali Nuur
3- C/rashiid Maxmuud Cali Nuur
4- Yaasiin Maxamad Qasaal
5- Cabdikariim Maxamuud Dhabanleexshe
6- Cismaan Maxmuud Dhabanleexshe
7- Xussein Afrax Ereg
8- Maxmad Xassan jaamac
9-Maxamad Jaamc Xersi
10-Maxamuud Qaalin Cadde
11-Axamad Faarax Gurey
12-Cabdullahi Abshir Gannaje
13-Yaasin Dufanle
14-Xersi Warsame xaraare
15-Axmad Faarax Warsame
16-Bashiir Sheikhdoon Kadawe
17-Maxamed Diiriye Khalaasi
Cabdi Qaybdiid ayaa hameenkii ay taariikhdu ahayd 24kii feb. 1991dii waxa uu magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku XASUUSAY dad tiradoodu ay ahayd 707 qof, kuwaasoo aysan jirin wax ay galabsadeen oo aan ka ahayn Beesha ay kasoo jeedaay qaarkoodna waxa uu ku guray Ceelasha Biyaha magaalada laga cabo, dhiigoodana waxaa uu ku qoray darbiyada magaalada.
Australia, Victoria state,
Qore-Cabdi Aadan.
Warkasi waxba kama jiraan cabdi qeybdiid waligiin galkacyo qof kuma dilin dadka islayey qabiilo somali bay ahayeen xiligasna wan jogay