26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo magacaabay xilkii u horeeyay ee xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo magacaabis, iyadoo xilka uu ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/salaam Salwe.

 

Wareegto ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiskiisa, waxaana xilkan loo magacaabay Maxamed Keynaan, oo ka soo jeeda Beesha cismaan Maxamuud, Majeerteen  horayna  u ahaa Afhayeenkii Guddiga doorashada heer federal.

C/salaam Salwe oo xilkan horay u ahaa, isla markaana uu u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista, iyo ninka loo magacaabay xilkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*