26th July 2024  admin  Category :

Cunug ku dhashay Canada oo wax ku bartay Muqdisho ayaa loo magcaabay Agasimaha Cisbitaalka Madina ee Mudisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Agaasimihii Isbitaalka Madiine Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo muddo 20 sano ku dhow hayay xilkaas.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay Dr Haashim Maxamed Faarax oo ah wiil dhalinyaro ah, sanadkii 1992 ayuu ku dhashay dalka Canada, halkaasoo uu Dugsiga sare uga baxay, waxaa uu Jaamacadda Batch kaga baxay dalka Shiinaha gaar ahaan Jaamacadda Huazhong University sanadkii 2014, sidoo kale waxaa uu yimid Muqdisho oo uu mar kale wax ka bartay Jaamacadda Banaadir.

Isbitaalka Madiina ayaa hoos-taga Taliska Ciidanka Booliska, waxaana uu yahay Isbitaalka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*