26th April 2024  admin  Category :

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William Burns, ayaa Arbacadii shalay booqasho aan la shaacin ku tagay magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

William Burns ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Mahad Salaad.

Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa VOA u xaqiijiyey socdaalka Burns ee Muqdisho, waxayna sheegeen inuu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay qodobkii xasaasiga ahaa ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale labada dhinac ay isla soo qaadeen sida heshiiskan is-afgaradka ah uu u saameyn ugu yeeshay ammaanka guud ee gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*