7th September 2024  admin  Category :

Afar ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymaha

Maalmahan waxaa si weyn warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba loogu hadal hayay dilka mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Al-Shabaab oo ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Nadiir oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay inuu la wareego hoggaanka ugu sarreeya ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn 1-dii bishan October ka dhacday deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada hoose, sida ay tebiyeen warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab billaabeen dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ah, waxa ay fuliyeen weerarro badan oo khasaare geystay.

Balse kooxdan lafteeda waxaa ilaa xilligaas laga dilay hoggaamiyeyaal sarsare oo lala beegsaday duqeymo uu fuliyay Mareykanka.

Kuwani waa afar ka mid ah madaxdii Al-Shabaab ee lagu tilmaami jiray aasaaseyaasha kooxdan gacan-saarka la leh ururka Al-Qaacida.

Dhimashadooda ayaa dhalisay hadal-heyn aad u weyn.

Aadan Xaashi Ceyrow

Inta badan mas’uuliyiinta ugu sarreysa Al-Shabaab waxa ay ku jiraan liiska dadka uu sida weyn u doondoono Mareykanka, qaarkoodna waxaa madaxooda la dul dhigay abaalmarin.

Dadkii ugu saameynta badnaa dhinaca Al-Shabaab ee la dilo waxaa ka mid ah aasaasihii kooxda, Aadan Xaashi Ceyroow.

Aadan Ceyroow

Kowdii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow lagu dilay magaalada DhuusaMareeb oo hadda caasimad u ah maamulka Galmudug.

Dhawr iyo toban qof oo kale ayaa la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Captain James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig ay Alqaacida leedahay oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Sida ay sheegtay hayadda xasaradaha caalamka, Aadan Ceyrow wuxuu markii hore ka mid ahaa dadkii gacan saarka la ahaa ururka Al-Qaacidda, xilli ka horreeyay sanadkii 2001-diina uu tagay waddanka Afghanistan, halkaas oo uu tababarro kusoo qaatay.

Wararka qaar waxay sheegeen in madaxda Al-Qaacida ay Aadan u magacaabeen inuu noqdo hoggaamiyahooda Soomaaliya.

Axmed Cabdi Godane

Godane

Axmed Cabdi Godane waxa uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Al-Shabaab, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay.

Bishii Sebtembar sanadkii 2014-kii, Al-Shabaab ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane, oo Mareykanku ku dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Ninkan oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaannay naaneystiisa “Abuu Zubeyr” ayaa xilka hoggaanka kooxda la wareegay kaddib markii la dilay Aadan Xaashi Ceyroow.

Shabab

Hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lasoo tebiyay in la dilay, hase yeeshee waxaa markii dambe soo baxday in ay weli nool yihiin.

Bashiir Qoorgaab

Bishii March ee sanadkii 2020-kii ayuu Mareykanku sheegay in uu weerar ka dhacay deegaanka Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoorgaab, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyashii ugu sarreeyay Al-Shabaab.

Geeridiisa waxa uu Mareykanku ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay iyo in ay meesha ka baxday khatar badan.

Ninkan waxa uu Mareykanku la xiriiriyay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daarulasaam.

Shabab

Bishii Maarso ee sannadkii 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ururka al-Shabab.

Horay waxa ay xukuumadda Washington madaxa Bashiir u dul dhigeen lacag dhan $5 milyan oo doolar oo loo ballan qaaday ciddii keenta xog ku fududeyn karta soo qabashadiisa ama dilkiisa.

Inkastoo xilliga la dilay aysan wax war ah soo saarin Al-Shabaab haddana qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geerida Qoorgaab.

Wuxuu Al -shabaab u qaabilsanaa weerarrada lagu qaado saldhigyada milatariga, wuxuu sidoo kale ku lug lahaa howlgallo laga fuliyay Kenya.

Cabdullaahi Nadiir waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii afaraad ee ugu saameynta badnaa xubnaha Al-Shabaab ee Soomaalida ah oo ku dhintay duqeyn.

Inta badan faahfaahin lagama bixiyo qaabka ay u dhacaan weerarrado lagu beegsado madaxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*