28th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne deni oo caawa ku qabsaday Ina Cali Koore Afhayeenka Beelaha Isaaq

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

Falalkan sabaabi kara in dagal dhaco Waqooyiga Soomaaliya madaxweyne Deni ma cadayn, In uu ka wadoo dagaalka u dhaxeeya Beelaha Habarjeclo iyo Habar Yoonin in Federaalku ay la safan yihiin mid ka mid ah beelaha dagaalamaya, iyo in Federaalku hubaynayaan maamulka SNM, si ay gacanta ugu wada dhigaan Sool iyo Sanaag

Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u “wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya”.

Qorshahan ay dawladda Federaalku doonayso inay wax kaga bedelato maamulka SNM, sidoo kale madaxweyne Deni ma cadayn waxa uu yahay.

Mar BBC-du ay madaxweyne Dani weydiisay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yiri, ”Waxaa ka mid ah oo aanu ognahay in iney gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda{Somaliland}”

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in Dawladda Federaalku ay u gacan dhaafto maamulka SNM maamulkooda oo iyaguba Qabiil ah. Dad badan ayaa hadalkaa u qaatay in madaxweyne Deni uu ka wado labaddii diyaaradood ee dhowaan tegay Badhan iyo Buuhoodle oo aan waxba laga waydiin maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin. Deeqahaas oo ka yimid dawladda Federaalka

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.

Deni waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxa qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya beelaha Harti iyo maamulka Isaaq. Sida ay dad badan oo Cilmiga siyaasadda bartay sheegeen iyaga oo sharaxaya arinta mar ay xiriir nala soo sameeyeen waxay ku fasireen inay tahay in Dawladda federaalku doonayso in wax lagu qaybsado Waqooyi iyo Koonfur. Somalilandna ay Koonfurta sidaa wax ula qaybsato.

Ugu danbayntii waraysigan uu madaxweyne Deni bixiyey intiisa badan waxa lagu difaacayey Qadiyadda Beesha Isaaq ee ah inay Soomaali inteeda kale ka go’aan. Madaxweyne Deni, maamulkii maalin iyo habeenba duulaanka ku ah maamulka Puntland oo qaybo ka mid ah degaankooda xoog ku haystay ayuu hadda ka baryaya wada noolaansho. Kooxdani waa Faysal Cali Waraabe iyo asxaabtiisa oo hadh iyo habeen u soo jeeda nacaybka beesha Majeerteen

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

3 thoughts on “Af jooge looma adeego

  1. Haliye

    Ac. Siciid Deni maxaa ka qaldan?
    Hadal xumo, shir jaraa’id oo joogto ah oo bilaa Macno,
    waxaan shaqadii ahayn buu ka hadlaa, Qaladaadka dadka kale buu wayneeyaa, kiisana wuu inkiraa.
    Puntland wax garadkii meeye, wadanka waa la wada leeyahay waa in la wada ilaashadaa.

    Reply
  2. Garaadka

    Deni afka dadka puntland kuma hadal mana aha nin ahelnimo iyo walalniimo yaqana wa nin cuqdad ka buuxdo qabiila madax maray waa. Nin u arka cadow dhulbahnte iyo warsangeli iyo waliba marexaan ma ninka daawada dagtay sool iyo sanaag ka cadhoonaya ee barlamankii iyo madaxwaynekuxigenkiba jeebka gashtay ayaa wax laga sugaya halaga tashto ayaan lenahay meeshan puntland ma. Necbin wa tolkay waa dhulkayagii waxana ognahay dadku inay san la qabin deni fikirkiisa balse hadu deni puntland naga sheegtay walaga tashan adeer intay horumar ah ee somalida kale gaadhayso ee naga go’on intaa deni xilka hayo ayanaanba kaso kabsan karin cid loo dul qadanaya ma jirto ama lo samraya wa in ma tashto meeshii dan siyaasadeed laga arkana lagu biira

    Reply
  3. Garaadka

    Deni dadka sool iyo sanaag dega ayu la jeclaaday inay somaloland ku biiran anaguna waxanu leenahay kuba biira oo cashuurta ka qaada ceeldahir iyo galgala ilaa bosaso agteeda
    Ciidanka qaranka kana geeya deeganadiina o xaduudka in ka baxsan soo xidha wabilahi towfiiq

    Reply

Leave a Reply to Garaadka Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*