26th November 2024 admin Category :
Adrian Carton de Wiart: Askarigii Ingiriiska ee loo taagwaayay ee ay ciidamadii Daraawishta ay isha ka tuureen
Sir Adrian Carton de Wiart wuxuu lahaa hal-il, waxa uu ka soo dagaalamay saddex colaadood oo waaweyn lixdankii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna ka soo badbaaday shilal diyaaradeed iyo xabsi.
Carton de Wiart waxa uu ka soo qeyb qaatay Dagaalkii Boer, Dagaalkii Koowaad iyo kii labaad ee Adduunka. Intii ay dagaaladaasi socodeen ayaa waxaa laga toogtay wajiga, waxa uuna sidaa ku waayay isha bidix, waxaana sidoo kale laga toogtay madaxa, sinta, lugaha, anqowga iyo dhagta.
Waxa uu ku dhashay magaalada Brussels 5tii Maajo ee 1880-kii. Saandkii 1891 waxa loo diray iskuul ku yaal England, si uu Jaamacadda Oxford uga soo barto sharciga.
Sannadkii 1899-kii wuxuu arkay fursad uu ku heli karo howlgalkiisii ugu horreeyay ee dagaalka. Waxa uu ka tagay waxbarashadiisii, waxa uu u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga mid noqdo ciidammadii Ingiriiska ee dagaalkii labaad ee Boer. Maadaama uu ka yaraa da’da lagu noqdo milatariga, aabihiina uusan ogolaansho ka haysan, waxa uu degay kaarto ah in da’da uu weyneysto isagoo sheegtay inuu yahay 25 jir magac been abuur ahna wuu qortay.
Markii uu qarxay dagaalkii 1-aad ee adduunka sannadkii 1914-tii, Carton de Wiart, oo markan qaatay dhalasho Ingiriis ah, waxa uu ka mid ahaa ciidankii loo diray Somaliland ee loo yaqaanay Somaliland Camel Corps oo la dagaallamayay ciidamadii dowladdii Daraawiishta.
Intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidankii Soomaalida ee Daraawiishta ee uu hogaaminyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ayaa waxaa laga toogtay gacanta iyo wejiga, waxaana sidaasi ku waayay ishiisii bidix iyo qayb dhegtiisa ka mid ah. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay buurta Shimbiris ee gobolka Sanaag sanadkii 1914.
Waxa uu ku soo laabtay Ingiriiska si loogu soo daweeyo isagoo la geeyay xarunta dadka lagu xanaaneeyo ee Park Lane. Waxay ahayd in uu isla goobtan ku soo laabto marka uu dhaawaaca ka bogsoodo.
Carton de Wiart waxaa loo xiray okiyaala madow balse waxaa la sheegey in ookiyaalaha uu dhiibaato badan ku qabay sidaa darteed waxa uu tuuray isagoo gaari saaran waxaana uu ka doorbiday inuu xirto marada madow ee Isha ugu xiran.
Dib-u-dhacyada noocan oo kale ah kama aysan niyad jebin hadafkiisii dagaalka oo isla markiiba waxa uu ka mid noqday ciidamadii la dagaalamayay Jabhadda Galbeedka ee Ypres bishii Maajo 1915-tii.
Intii lagu guda jiray Dagaalkii Labaad ee Ypres, ciidamada Jarmalka madfac ay soo rideen ayuu Carton de Wiart gacanta bidix ku waayay. Sida lagu qoray buugga taariikh nololeedkiisa ee Happy Odyssey, waxa uu iska jaray laba farood markii uu dhakhtarku diiday in uu ka gooyo inkastoo dabayaaqadii isla sannadkaas uu dhakhtar ka gooyay gacanta dhan qalliin lagu sameeyay ka dib.
Sida uu uga adkaaday dhaawacyadii iyo naafanimada ayaa weli ah dhiirigelin, ayuu yidhi Sgt Thomas O’Donnell, oo Afgaanistaan uga soo shaqeeyay Ilaalada Guutada 1-aad ee Scotland.
Ka dib muddo uu ku maqnaa ka soo kabashada dhaawacyadii soo gaaray, Carton de Wiart ayay mar kale u suurtagashay inuu ku qanciyo guddiga caafimaadka in caafimaadkiisu taam u yahay si dagaalka uga qeyb qaato. Sannadkii 1916-kii, waxa uu la wareegay taliyaha guutada 8-aad ee Gloucestershire Regiment.
Wuxuu ka qeyb qaatay weeraro kale oo badan intii uu socday dagaalka, isagoo ay soo gaareen dhaawacyo kale. Mr A Holmes, oo la soo shaqeeyay Carton de Wiart oo soo ahaa kaaliyihiisa gaarka ah, ayaa 1964-tii BBC-da, u sheegay, sida uu sarkaalkaakan ugu badbaadiyay weeraro badan iyo in uu aad u nasiib badanaa.
Carton de Wiart waxa uu ku noolaa dalka Poland dagaaladii koobaad ka dib balse wali xirfadiisa ciidan may dhamaan. Markii uu qarxay dagaalkii labaad ee aduunka, waxa uu hogaaminayay olole ka dhacay Norway sannadkii 1940-kii, waxaanu muddo kooban ku sugnaa Waqooyiga Ireland
Bishii Abriil 1941-gii ayaa hawlgal militari loogu diray Yugoslavia, laakiin diyaaradiisa ayaa lagu soo riday oo ku dhacday badda Mediterranean-ka.
Markii uu xeebta u dabbaashay, ayaa Talyaanigu qabtay. Inkasta oo uu ku jiray da’da 60-meeyada, haddaba wuxuu sameeyay isku dayo badan oo uu ku doonayay inuu kaga baxsado xerada ay ku jireen maxaabiista dagaalka lagu soo qabtay.
Ugu dambayntii waxaa la sii daayay laba sano ka dib, ka dibna waxaa Shiinaha u diray Winston Churchill si uu u noqdo wakiilkiisa gaarka ah, jagadaas ayuu hayay ilaa 1946.
Markii uu hawlgab noqday, ugu dambayntii waxa uu degay County Cork, isaga oo waqtigiisa ku qaatay kalluumaysi. Waxa uu ugu dambeyntii geeriyooday sannadkii 1963-dii isaga aan xabad iyo dagaal toona ku dhiman da’diisuna ahayd 83 jir.