29th March 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa ayaa ah shaqsiyaad ku xeel dheer sida loo faafinyo wararka beenta ah ayaa maalmahaan la soo baxay sheeko lagu cabsi gellinayo Madaxweeyne Farmaajo.

Sheekadan ayaa ah in Farmaajo adeerkiis Maxamed Siyaad Barre allaha u naxariistee uu xasuuqay reerkooda, isagana uu fakirkaas oo kalle uu wato.

Hadaba, Illaahay ayaa noo sheegay in nafna aysan qaadeen naf kalle danbigeeda, marka Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre waa laba shaqsi oo aan shaqo isku laheen.

Ujeedada siyaasiyiinta beesha Isaaq ay sidaa u sameenayaan ayaa ah in wada hadalada soo socda uu Farmaajo u dabco iyaga, welliba iyaga oo adeegsanaya kaarkii ahaa adeerkaa ayaa na xasuuqay.

Waxaase habboon Farmaajo inuusan arrimahaas dhag u dhigin, uuna sameeyo waxa xaqa uu yahay. Sidee Farmaajo ku yeeli karaa beel dhul aysan laheen sheeganeesa?

Madaxweeyne Farmaajo haddii uu la hadlayo beesha Isaaq  waa in wada hadalkaas uu  noqdaa mid ku eg  dawladda federaalka iyo beesha Isaaq.

Beesha Isaaq iyada ayaa ah midda wax ka tabaneeysa dawladdii Soomaaliya, waana iyaga kuwa doonaya ineey goostaan.

Beelaha Gudibiirse, Warsangeli iyo Dhulbahante ma ahan dad doonaya ineey ka go’aan Soomaaliya inteeda kalle. Ma jirto sabab ku kallifeeysa oo ay ugga go;aan dadkooda.

Sidaa darted, Farmaajana waa inuu si taxadar leh uu isaga hubiyaa cidda lala hadalyo iyo waxa laga hadlayo.

 

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*