16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah magaalada  Jabuuti  ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta  xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo dawladda Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-gashiga.

Madaxweynaha dalwadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa ku ammaanay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle doorka ay dawladdiisu ka qaadatay tababarrada ciidamada Puntland iyo iskaashiga dhinaca Ganacsiga gaar ahaan is dhaafsiga badeecadaha iyo xoolaha.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kala hadlay dhiggiisa dawladda Jabuuti sidii ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen Puntland iyo sidii ay diyaaradda  Jabuuti Airline duullimaad uga bilaabi lahayd garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, si loo dar-dargeliyo xiriirka dhinaca gacansiga labada dawladdood oo hadda ku kooban dhinaca badda oo keliya.

Geesta kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku ammaanay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isbedellada dhinacyada horumarinta, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka kooxaha xagjiriinta ah ee al-shabaab ee uu ku tallaabsaday muddadii uu hayey hoggaanka Puntland.

Ugu dambayn labada Madaxweyne waxay kawada hadleen doorashooyinka ka qabsoomi doona dalka Soomaaliya bilaha soo socda iyo suurtagal-nimada ah in doorashooyinkaasi aanay waqtigooda dib uga dhicin marka loo eego duruufaha ku xeeran.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

DSC_0822unnamed (1)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*