25th October 2024  admin  Category :

Abwaan Siciid Saalax oo helay filim ka lumay 34 sanno ka hor

Waxay maalintii Khamiista December 26, 2019 Siciid Saalax iyo Soomaalidaba u ahayd maalin farxad leh. Agaasime, professor, macalin, abwaan Siciid Axmed Saalax ayaa helay filimkii uu isagu sameeyay, maamulaha ka ahaa, soo saarahana ka ahaa ee la magac baxay “A Somali Dervish” ee la sameeyay sannadkii 1984. Filimkan oo la’laa 34 sanno, Siciid Saalax ayaa baadi-goob ugu jiray mudadaas 34 sanno ah, intaasna ku raad joogay.

Haddaba filimkan laga sameeyay Sayid Maxamed Cabdulle iyo Daraawiishtii ayaa lumay oo la waayey sannadkii 1985, filimkan ayaa markii ugu dambeysay lagu ogaa Abu Dhabi. Agaasimaha iyo soo saaraha filimka Abwaan Siciid Saalax ayaa isagu raadinayey sidii uu ku heli lahaa filimka mudo 34 sanno ah.

Taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Filimkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu sameeyo Siciid Saalax oo isagu filimada iyo hal-abuurka uu sameeyay aan halkan tiro ahaan lagu soo koobi Karin. Abwaan Siciid Saalax ayaa yiri, “Ma hayo ereyo muujinaya farxaddayda iyo qiirada farxada leh ee ka dhalatay markii aan helay filimkan oo aan in badan raadinayey. Waxay la mid tahay farxada iyo dareenka aad dareemi lahayd marka aad hesho heli cunugg  kaa lumay sannado badan ka dib”.


Agaasime, professor, macalin, abwaan Siciid Axmed Saalax

Filimkan oo 4 saacadood iyo 40 daqiiqo socda ama filim ahaan uu dherarkiisu yahay,  ayaa lagu wada-hadallayaa 7 luqadood oo ay ku jiraan Soomaali, Carabi, Talyaani, Ingiriis iyo Hindi.

Sidoo kale Filimka dadka jilaya ama ka dhex muuqanaya ayaa  waxaa ka mid ah dad ah farcankii saxda ahaa ee Maxamed C / llaahi Xasan (Sayidka). Waxaa kale oo filinka lagu soo bandhigay waraysiyo dhowr ah oo laga qaaday qaar kamid ah dadkii ka qaybqaatay kacdoonka uu Sayidku hormuudka iyo hogaamiyaha u ahaa. Filimkan ayaa lagu tafatiray oo laga hawl geliyey Shaybaadhka ‘Bombay Lab’ ee Mumbai sanadihii 1983-84.

Haddaba helitaanka filimkan ayaa ah mid taariikhi ah iyo weliba guul u soo hooyatay Abwaan Siciid Saalah, Soomaalida iyo qof walba oo taariikhda Soomaaliya jecel. Filimkan ayaa ah dhaxal gal iyo kayd lama huraan u ah taariikhda rasmiga, filim samaynta iyo hal-abuurka dadka Soomaaliyeed ee iyagu Alle hibadda u siiyay in ay sheekooyinka iyo suugaanta Soomaaliyeed filim ahaan ku soo gudbiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*