18th April 2024  admin  Category :

Dalka Turkiga ayaa soo saaray gaarigii ugu horeeyey ee dalkaasi lagu sammeeyey. Gaarigan oo ku shaqeeyn doona quwadda korantada, ayaa noqon doona mid ka qeeyb qaadan doona tartanka gawaarida ee adduunka.

Madaxweeynaha Turkiga, Erdogan, ayaa yiri. “Maanta waxaan marqaati ka nahay in riyadii 60ka sannadood ee Turkiga, ineey noqotay mid rumoowday.” Waxa uu u mahad celliyey aqoonyahanadii hal abbuuray gaarigan casriga ah, waxaana la fillayaa in la soo saaro 175,000 oo gaari sanadkii.

Inkastoo dalka Turkiga lagu sammeeyo gawaarida laga leeyahay Mareeykanka iyo Jabaanka, haddana waa markii ugu horreeysay gaari dalkaas uu leeyahay in lagu guulleeystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*