7th September 2024  admin  Category :

Abaaro ka jira Maraykanka oo sababay in la xakameeyo ka faa’iidaysiga biyaha webiga Colorado

Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay xakamayntani ay sidoo kale saamayn doonto biyaha harada Mead – oo ah kaydka biyo fadhiga ah ee ugu weyn dalka Maraykanka – taas oo ay biyaheeda ka faa’iidaystaan illaa toddoba gobol.

Xakamaynta ka faa’iidaysiga biyaha ee la soo rogay ayaa xulays xooggan ku keeni doona maamulka labadan gobol, si ay ula yimaaddaan qorshe lagaga samatabaxayo xilliga kulaylaha ee soo socda, hawada oo qalalan iyo weliba tirada bulshada oo sii kordhaysa.

Biyaha webiga Colorado ayay ka faa’iidaystaan illaa 40 milyan oo qof oo ku kala nool illaa todoba gobo loo ku yaalla Galbeedka dalka Maraykanka iyo sidoo kale Mexico, waxaana ku tiirsan waxsoosaarka beeraha, kaas oo ku kacaya illaa $15 bilyan oo dollar sannadkii.

Saraakiisha dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay xakamayn doonaan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Colorado ka dib markii ay biyaha webigu yaraadeen taas oo ay ugu wacan tahay abaaro daran oo ka jira gobollo ku yaalla dalka Maraykanka. Xakamaynta ka faa’iidaysiga biyaha webiga Colorado ayaa saamaynaya gobollada Arizona iyo Nevada.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay xakamayntani ay sidoo kale saamayn doonto biyaha harada Mead – oo ah kaydka biyo fadhiga ah ee ugu weyn dalka Maraykanka – taas oo ay biyaheeda ka faa’iidaystaan illaa toddoba gobol.

Xakamaynta ka faa’iidaysiga biyaha ee la soo rogay ayaa xulays xooggan ku keeni doona maamulka labadan gobol, si ay ula yimaaddaan qorshe lagaga samatabaxayo xilliga kulaylaha ee soo socda, hawada oo qalalan iyo weliba tirada bulshada oo sii kordhaysa.

Biyaha webiga Colorado ayay ka faa’iidaystaan illaa 40 milyan oo qof oo ku kala nool illaa todoba gobo loo ku yaalla Galbeedka dalka Maraykanka iyo sidoo kale Mexico, waxaana ku tiirsan waxsoosaarka beeraha, kaas oo ku kacaya illaa $15 bilyan oo dollar sannadkii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*