26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Shiinaha ayaa isku dayaya in roob mac-mal ah ay ka sameeyaan ka (hooriyaan) qaybo ka mid ah koonfur galbeed ee dalkaasi oo ay ka jirto abaar xun oo saamayn ku yeellatay nolasha dadka.

Wabiga Yangtze River waa biyo-mareenka ugu weyn qaaradda Asiya,wuxuuna hadda marayaa heerkii ugu hooseeyay.

Meelaha qaar waxaa ka da’ay roobab duul-duul ah oo dadku aaney kaga soo kabsan karin saameynta abaarta.Kaydka tamarta quwadda ayaa sidoo kale hadda hoos u dhacay in ka badan kala bar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Baahida loo qabo qaboojinta hawada sare ayaa aad sare ugu kacday arrintaa oo culays saartay shirkadaha korontada.Kulaylka oo jiray laba bilood ayaa ah kii ugu dheeraa ee laga diiwaan galiyo Shiinaha, Xarunta Cimilada Qaranka ayaana sidaasi sheegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*