17th November 2025  admin  Category :

Miyaa laga maarmay reer Maakhir, mise cid kalaa uga wakiil ah Shirka Laascaanood

Shirweynaha Ergooyinka ee Maamul-dhiska ee Laascaanood ka socday ee maanta furmay furmay — ee la doonayey in laga doodao ; Magaca, calanka, awood-qaybsiga, xuduudaha iyo waxkasta oo kale, ayaa haba yaraatee laga waayey Isim iyo siyaasi ka soo jeeda Warsangeli ah, Sida muuqatana aan dan laga lahayn maqnaashahooda oo ay kooxda Khaatumo iyo Wakiilka Xasan Culusoow heleen waxay doonayeen ee ahayd Shaanbadda

Safka hore, safka labaad iyo sadexaad midna ma ayan fadhiyin qof ka soo jeeda beesha Warsangeli, xitaa ergaddii Warsangeli aan cidna metelin ee doonayay inay ka qayb qaataan maamul u samaynta Sanaag iyo Sool.

Mxamed Yuusuf Jaama (Indho-sheel) ayaa ah Gudoonka Shirka Laascaanood. Waa madaxweynihii hore ee e Khaatumo ee ka horeeyey Cali Khaliif

Indho sheel, oo in badan sheeganayey SSC, si fiican ayuu u yaqaanaa isimada iyo Siyaasiyiinta Warsangeli, hase ahaatee kooxda Khaatumo waxay isu ekaysiinayaan maamulka Isaqland ee ahaa Ina Cali Koore inuu beesha Dhulbahante ku metelo Isaaqland. Horayna waa u sheegeen inaan cidna loo joojinayn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*