26th July 2024  admin  Category :

Degmooyinkii Muqdisho oo caawa weerar lagu wada qaaday

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo caawa isku mar lagu qaaday xarumo degmooyin ku yaal Gobolka Banaadir.

Weerarada bam gacmeed oo ahaa kuwo mar qura laga maqlay dhawaaqooda inta badan Caasimadda Muqdisho ayaa ahaa kuwo si aad ah loo soo qorsheeyay.

Illaa afar ruux ayaa ku dhaawacantay weerarada bam gacmeed, waxaana ku jira dadka dhaawaca ah askari ka tirsan Booliska.

Weeraradan bam gacmeed ayaa lala bartilmaameedsaday illaa 10 goobood isugu jiray Xarun degmo iyo Xarun Waaxeedyo.

Xarumaha degmooyinka iyo Waaxyaha la weeraray ayaa waxay kala yihiin:-

Degmada Dharkeynley – Xarunta
Degmada Waaberi – xarunta
Degmada Wadajir – xarunta
Degmada Boondheere – Waaxda Siinay
Degmada Dayniile – Waaxda Kor-damac
Boondheere – Xarunta
Degmada Yaaqshiid – waaxda Horseed
Degmada Kaaraan – xarunta –
Degmada Kaaraan -Waaxda Nageyle
Degmada Shibis – Waaxda Caslow Dheere
Xarunta maamulka degaanka Garasbaaley

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Qaasim (Saalax Dheere) ayaa sheegay in weeraradan bam gacmeed isku waqti la fuliyay, isagoo xusay in loo qabtay labo qof oo la tuhunsan yahay.

Weeraradan bam gacmeed ayaa ahaa kuwii u horreeyay ee magaalada ka dhaca isku mar la beegsado xarumo gaaraya illaa 10, waxaana ay ku soo aadayaan xilli xasaasi ah oo dalku galay xaalad kala guur siyaasadeed, iyadoo maalmahan ciidamo la soo dhoobay waddooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*