25th October 2024  admin  Category :

Mukhtaar Roobow, oo horay uga mid ahaa madaxda Dadqalatooyinka  ayaa caawa kula kulmay magaalada Muqdisho Xildhibaanada iyo Senator-da ee ka soo jeeda Koofur Galbeed, iyadoo kulankan looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay wada hadalada u socda Abuu Mansuur iyo dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Royal Palace (Ex City Palace), oo ku dhow xarunta NISA ee Wadaadka lagu haayo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac isku soo qaadeen aayaha deegaanada Koofur Galbeed iyo sidii loogu istaagi lahaa in nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu u bandhigay Xildhibaanada qorshayaal uu damacsan yahay oo aan wali la isku fahmin, kaasoo ah in isagoo aan dowladda ku biirin uu la galo dagaal Al-Shabaab.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in kulamo maalmihii la soo dhaafay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiil ka tirsan dowladda la isku fahmi waayay qodobo dhowr ah oo ahaa kuwo ka yimid dhanka Abuu Mansuur.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta jimcaha lagu wado in Mukhtaar Roobow uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Abuu Mansuur ayaa todobaadkii hore la sheegay in qalliin lagu sameeyay, waxaana kelyaha laga soo saaray labo dhagax, sida ay xaqiijinayaan warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*