25th October 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariisteeMaxamed Siciid Yusuf(Maxamed Baradho), oo ka soo jeeda beesha Dishiishe  ayaa  lagu dilay Gudaha Magaalada Bosaaso.

Dilka Marxuumka ayaa waxa ka geystay Kooxo afka soo duubtay,iyagoona dilka ay marxuumka u geysteen ka dib goobta isaga cararay.

Dilka marxuumkan ayaa noqonaya dilkii labaad oo mudo labo maalmood gudiheeda magaalada Bosaaso ka dhaca,iyadoona tani ay ka dhigan tahay In Laamaha Amniga ee Magaalada Bosaaso ay shaqadoodii ka seexdan.

Isku soo wada duuboo marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada magaalada bosaaso,kuwooda ugu firfircoonaa,Waxaan alle uga baryeynaa marxuumka in uu janadii fardowsa uu geeyo,Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka wada siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*