27th November 2024 admin Category :
Degmada Badhan ee gobolka Sanaag haddii ay tahay hormuudka horomarka ee ka socota gobolka Sanaag, degmooyinka Buraan, Xingalool, Dhahar, iyo Hadaaftimo iyagana waxa ka socda horumar la taaban karo oo bulshada degaamku iskutashi ku samaysanayaan
Degmada Buraan ee gobolka Hayland. ee Puntland, wagtigii kacaanka uuu dalka ka talinayey marka wiilka ama gabadha yari ay dhamaystaan dugsigii dhexe ee Ingiriisku u dhisay magaaladaas waxa la waydiin jiray cunuga yar halka uu doonayo inuu Dugsiga sare uu aadayo. Sababtoo ah Gobolka Sanaag Kacaankii kama dhisin dugsi sare
Gabdho ka soo jeeda degmada Buraan oo ka qalin jabiyey dugsiga sare ee magaaladaas iyaga oo aan gurigooda ka haajirin
Waqtigii kacaanku dalka ka talinayey waalidka gobolka Sanaag caruurtooda waxay waydiin jireen marka uu dugsiga dhexe dhamaysto , halka ay u aadayaan iga dugsiyada sare sida 26 June Hargaysa, Sheekh Bashiir, Burco Cumar Samatar, Gaakacayo, Shabeelle Jowhar, Qoryooleey, Baydhabo iyo Dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho oo ay xaafadaha marti ku ahaan jireen
Maanta Cunuga ku nool gobolka Sanaag isaga oo aan gurigiisa ka tegin ayuu dhamaystaa Dugsi sare iyo jamacad , isaga oo keenaya natiijo fiican. Sidaas awged Bulshada gobolka Sanaag uma darsan kacaankii ku hilmaamay siyaasaddii ka bilaabantay 1969 iyo Qorsheel qoorta gooy
Allsanaag.com