28th November 2024 admin Category :
Sanadkii hore Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magcaabay Guddoomiyaha guddiga doorashada Xubnaha matalaya gobolada waqooyiga Soomaaliya , wuxuuna ka dhigay in loo magcaabay Xildhibaanada beelaha Isaaq ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya, maantana waxa loo xil saaray inuu dhiso ciidan uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka dhigi doonaa Ciidan ay leeyihiin beelaha Irir Samaale
Jaamac Maxamed Qaalib, waxa lagu xasuustaa doorashadii aqalka sare ee gobolka Sanaag markii loo tartamayey inuu soo ururiyey oo qol oo madow isugu keenay hal qof oo ka soo jeeda beesha Warsangeli iyo labaatan qof oo ka soo kala jeeda beelaha Isaaq oo qaarkood u tartamayeen Xildhibaanka Kursiga aqalka sare ee gobolka Sanaag, inta kalena lagu sheegay inay kala reebayaan Musharaxiinta u tartamaya Kursigaas . Ugu danbayntiina codbixiyashii laga soo shaqeeyey ee halka beel ee Isaaq ka soo wada jeeday waxay codka Xildhibaanka aqalka sare ee gobolka Sanaag siiyeen gabar ka soo jeeda beesha Isaaq, Waana sababta Beesha Warsangeli oo shanta degmo ee Gobolka Sanaag sadex ka degtaa ayna maanta Xildhibaan ka soo jeeda degmooyinka gobolka Sanaag ugu lahayn aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu danbayntii bulshada Gobolka Sanaag iyo guud ahaan Puntland oo xasuusan caddalad daradii uu sameeyey Jaamac Maxamed Qaalib markii lagu aaminay inuu soo xulo xildhibaanada waqooyiga Soomaaliya oo uu ka dhigay Xildhibaanada beesha Isaaq ee ka imanaya waqooyiga Soomaaliya , maantana Ciidanka loo xil saaray inuu soo dhiso waxay noqonayaan maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Irir samaale. ” ma anaa lay qariyaa Mindiyo laygu qali doono” oo arintan lacag ku bixinaya
Allsanaag.com