25th October 2024  admin  Category :

Waxaa jiray Faras,  waxuuna la noolaa bahdiisa fardoolayda ah mudo kadib ayuu Faraskii waxuu dareemay inay gees mareen bahdiis oo ay ku kacsan yahiin, dabadeed go’aan ayuu ku gaadhay inuu xal kama danbays ah gaadho.

 

Faraska oo inta badan astaan u ah Sharafta & Xaragada.  iyadoo weliba ay u dheer tahay marka guluf colaadeed la galo inuu farasku la mid ahaa gaadiidka lagu dagaal galo ee waqtigan loo yaqaano Tiknikada. Wanaagaas iyo Sharaftaas aan soo xusnay ee u gaarka ah ilaahayna ku manaystay Faraska waxaa xaasid ku ah dhamaanba xayawaanka oo dhan haday ahan lahayd Duurjoog & dad-lajoogba.

 

Faraskii waxuu u baxay Buur dheer wuxuuna u tiraabay ama u dhawaaqay bahdiis isagoo leh tolkayoow ogaada maanta laga bilaabo idinka mid ma ahi Adina igama mid tahiin, wax nasabiyada ah ama tolnimo ahina nagama dhexeyso. Halkaas ayuu isaga dhaqaaqay tolweynihiis ayagoo isweydiinaya waxa kalifay inuu cidla uga baxo.

 

Faraskii ayaa waxuu u tagay koox Eey ah waxuuna ka codsaday derisnimo iyo inay jeclaadaan. Waxuu kaloo ka codasay inay ku kalsoonaadaan iyo inuu ka mid noqdo isla markaana uu ku tirsanaan doono Baaho iyo Biiro labadaba. Eeydii ayaa yiri ma inaad naga mid noqoto ayaad rabtaa!! Xaasha allaheen ka alle, waxayna halmar cod kuwada dhawaaqeen dhaar bay naga tahay inaadan naga mid noqonaynin.  ayagoo shaki ka qaba xiriirka dhexmari kara labadan noole ee haybta guud ka wada tirsan xayawaanka balse ku kal duwan dhinaca Sumcada, Sharafta , Awooda iyo Magaca. Halkaas ayuu isaga huleelay isagoo quus ah.

 

Faraskii ayaa dabadeed u tagay xayawaankii kale ee ayagu duurka ku jiray isagoo saf kasoo wada maray kagana bilaabay qaybaha Daanyeerka, Dawacooyinka, Mukulaasha, Dibidii, Bakaylayaasha iyo qaar kale oo fara badan xataa waxaanu dhaafin oo uu soo maray Doofaartii. Xayawaankii intii ugu sharafta & Magaca badnayd way diideen iyagoo sharaftooda dhowranaya , qolyahii ugu hooseeyay ee ugu ardalsanaana way diideen ayagoo ka cabsi qaba inuu cidla uga tago siduu bahdii cidla uga dhaqaaqay !!

 

Faraskii talo ayaa uga cadaatay waxuuna arkay halka ay iska taageen qolyahuu maciinka soo biday waxaana ku adkaatay inuu kaligii meel taagnaado, mudo hadii uu warwareeg ku jirayna waxuu go’aan ku gaadhay bal inuu bahdiis Fardaha ahayd dib ugu laabto, hadii uu u yimid bahdiisna waxay ugu Maahmaaheen Mar iibshe 10 Jeer Ayaa La iibshaa waana maahmaahda ay ku maahmaahaan Farduhu.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*