29th November 2024 admin Category :
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa u ambabaxay Dalka sacuudi careebiya
Illaa Lix Wasiiro ah oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay dalka Sacuudiga
Diyaarad qaas ah oo dowladda Sacuudiga u soo diray ayaa maanta Wasiiradan ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Safarka Wasiirada ayaa ku aadan sidii ay heshiisyo ula soo saxiixan lahaayeen dhiggooda Sacuudiga, kaasoo ka mid mashaariic ku baxeysa 4 bilyan oo dollar oo Sacuudiga ka hirgelinayo Soomaaliya.
Wafdigan Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta Somaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan , waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo wasiiro kale