25th October 2024  admin  Category :

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Aamina “Xadhigle” Maxamed Cabdulaah, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag,   ayaa wasaaraddii caafimaadka oo ay howl fiican ka haysay inta  laga bedelay waxa   loo bedelay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

Sababta Aamino  looga bedalay  wasaaradda Caafimaadka Puntland    ayaa waxay ahayd    in  wasiirka caafimaadka Puntland  , Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo ka soo jeeda Gobolka Nugaal aanu  isagu  raali ka ahayn in wasaradda Caafimaadka Puntland ay ka howl gasho gobolada Hayland iyo Sanaag Sida gobolada kale ee Puntland. Taasina waxay dhalisay khilaaf iyo wada shaqayn la’aan  dhex marta Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka.

Dacwadani ninka wasiirka ah iyo gabadha wasiir ku xigeenka ah  markii ay gaartay xafiiska madaxweynaha Puntland,  sidii dhaqanku ahayd waa adkaatay in nin ka soo jeeda gobolka  Nugaal Xilka isaga laga bedelo, waxaana  madaxweynaha Puntland u fududaatay in Gabadha hadda la geeyo wasaaradda  duulista, maalmo ka dibna shaqada laga eryo mar haddii ay xaquuq u raadinayso gobolada  Sanaag iyo  Hayland

Hoos ka akhriso Aaamino maalmo ka hor Dawo gaarsiisay degaano  hoos taga degmada Ceerigaabo

https://allsanaag.com/wasiir-ku-xigeenka-wasaarada-caafimaadka-puntland-aamino-xadhigle-ayaa-gaadhey-magaalada-yube/

https://allsanaag.com/cisbitaalka-dhahar/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*