20th September 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Muna Maxamud jamac Dhahar oo ka soo jeeday gobolka Sanaagiyo gabadh yar oo ay dhashay ayaa ku wada geeriyoodeen Biyomareen ku yaal dalka Faransiska

Maalinnimadii isniintii gabadh yar oo afar jirah iyo hooyadeed oo Soomaali ah ayaa la soo weriyey in ay ku naf waayeen webi ku yaalla waqooyiga Faransiiska.

Goobta ay ku qarqoomeen gabadha iyo hooyadeed ayaa lagu magacaabaa Nemours, ee Seine-et-Marne.

Meydadkooda ayaa laga helay Loing, webiga ka gudba magaaladaas, sida uu sheegay wargeyska Faranasiiska ah France Bleu Paris.

Sida ay wax u dhaceen

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inuu markii hore ilmuhu uu ku dhacay wabiga ka dib markii ay ka fogaatay halkii ay hooyadeed ka arki lahay

Taas oo markii danbe ay hooyadeed isku dayday in ay ka wardoonto inantedii, kaddibna ay ku war heshay inanteedii oo biyaha ku dhacday, kaddib markii ay is tidhi soo badbaadina ay iyana halkii ku qarqoontay.

Dhacdadaas oo keentay in aanay hooyadii iyo inantiiba aanay noolaan.

Shilkan naxdinta leh ayaa warbaahinta guduhu werisay in markii uu dhacay aanay cid badbaadisa ama arkaysay aanay goobta ka ag dhawayn.

Qayladii danbe ee hooyada ayaana dadkii u horreeyey ku war heleen , taas oo markii danbena ay booliiska ogaysiiyeen oo maydkii goobtii ka soo saaray.

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in bilo ka hor uun ay halkan soo degtay, sida laga soo xigtay warbixinada ay warbaahinta siisay duqa magaalada, Valérie Lacroute.

Dalka Faransiiska ayaa ay ku nool yihiin Soomaali tiro ah, kuwaas oo qaarkood ay ka soo guureen Yurubta gale, halka qaarna si tahriib ah ku galeen dalkaas.

Bulshada guud ee dalka faransiiska waxay gaareysaa ku dhowaad 67 milyan. Muslimiinta dalkaas ku nool ayaana lagu qiyaasay illaa 6 milyan oo u dhiganta 9% boqolkiiba oo ka mid ah shacabka guud ee dalkaas, sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii.

Diinta islaamka waa midda labaad ee ugu wayn ee ku xigta Masiixiyadda, sida lagu xusay warbixinno horey loo soo saaray.

Bulshada Muslimiinta ee ku nool faransiiska waa kuwa ugu badan galbeedka qaaradda Yurub.

Dadkaas badankoodu, ilaa boqolkiiba 70% waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalkii uu Faransiiska gumeystay ee Aljeeriya, Moroko iyo Tunisiya. Sidoo kale waxaa dhowaanahan ku sii badanayay Muslimiinta ka soo jeeda Bariga Dhexe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*