20th September 2024  admin  Category :

Taageerayaasha Baraha Bulshada ee Cristiano Ronaldo oo gaaray hal bilyan

Taageerayaasha Cristiano Ronaldo ee akoonada uu ku leeyahay Baraha bulshada ayaa gaaray 1 bilyan– taas oo ka dhigaysa qofkii ugu horreeyay ee gaara tiradaas

Xisaabta tiradaas ayaa ah marka la isku daro wadarta tirada taageerayaasha Instagram, Facebook, Twitter, YouTube, iyo baraha bulshada Shiinaha ee Weibo iyo Kuaishou.

kama dhigna in hal bilyan oo qof in ay ku xiranyihiin, maadaama dad badani ay kaga xiranyihiin meelo badan, qaarkood ayaa waxay noqon karaan xisaabo been abuur ah.

Si kastaba ha ahaatee khabiirka warbaahinta bulshada Paolo Pescatore, oo ka socda PP Foresight, ayaa ku tilmaamay “tira yaab leh” in warbaahinta iyo shirkaduhu ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan.3

“Waa guul, waxa uuna hoosta ka xariiqay isbeddelka dheeradka ah ee ka dhacaya warbaahinta.”

Waxay taasi muujineysa “awoodda lagu gaari karo dhagaystayaal cusub, oo da’yara, wuxuuna u mahadcelinay tignoolajiyada”, sida uu u sheegay BBC.

Garoonka dhexdiisa, Ronaldo ayaa caan ku ahaa xafiiltanka kala dhaxeeyo xiddigga reer Argentina ee Lionel Messi.

Laakiin marka laga reebo, ma jirto tartan loogu jiro cidda ku guulaysaneysa tartanka baraha bulshada – Messi waxa uu haystaa 623 milyan oo taageerayaal ah.

Dadka kale ee caanka ah ee sida weyn uga dhex muuqda baraha bulshada waxaa ka mid ah:

690m: Selena Gomez, jilaa/heesaa

607m: Justin Bieber, heesaa

574m: Taylor Swift, heesaa

Magacyada kale ee caanka ah ee ay BBC-du eegtay waxaa ka mid ah The Rock (557m), Kylie Jenner (551m) iyo Ariana Grande (508m).

Mr Beast, oo ah kan ugu sarreeya YouTuber-ka adduunka, ayaa leh 543m oo taageerayaal ah, halka WWE, oo inta badan loo tixgeliyo in ay leedahay tira badan oo baraha bulshada ah, ayaa dadka ku xiran ay gaarayaan rubuc ka mid ah dadka ku xiran Cristiano Ronaldo, iyada oo leh 268m oo taageerayaal ah marka la isku daro.

Ciyaartoygan kubbadda cagta ayaa ku gaaray heerkan muhiimka markii u ku biiray YouTube bishii hore, halkaas oo kanaalkiisa ay ku xirmeen 50 milyan oo macaamiil ah muddo hal usbuuc gudihiisa.

Ilaa hadda, kanaalkan wuxuu ka kooban yahay wada sheekeysi dhexmara Ronaldo iyo xaaskiisa Georgina Rodríguez, iyo sidoo kale saaxiibkiisii hore ee Manchester United Rio Ferdinand.

Warkan ayuu ku shaaciyay qoraal uu ku faafiyay baraha bulshada ee kala duwan.

Cristiano Ronaldo ayaa waayihiisa ciyaareed sameeyay jabinta rikoorada.

Guulihiisa waxaa ka mid ah, inuu ahaa gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Uefa Champions League, isagoo dhaliyay goolasha ugu badan tartanka Yurub, iyo in uu saftay kulamo caalami ah oo ka badan cid kasta oo kale.

Toddobaadkii hore waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kubbadda cagta ah ee dhaliya 900 oo gool oo heerkoodu sarreeyo.

Si la mdi ah xirfadiisa ciyaareed, waxa uu wali leeyahay awood uu ku horumariyo sidoo kale tirada warbaahinta bulshada, maadaama uu ka duwan yahay qaar ka mid ah kuwa ay xafiiltamaan, Ronaldo kuma jira TikTok ama Threads, kuwaas oo ay u badantahay in ay kkordhin lahaayeen tirada uu haysto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*