21st December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha Wasiirada maamul Goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland, waxaa maanta madasha ku wehliyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam isagoona golaha uga warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah.